Qaybta Booliisku waxay yeelan doontaa 1,040 shaqaale, oo ay ku jiraan shan Unug Boolis ee La Sameeyey (FPUs), waxayna sii lahaan doonaan tiradaasi ilaa Diseembar 2024-ka.
Waddamada booliikooda ku deeqay waxaa ka mid ah Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia kuwaas oo la kala geeyey dhammaanba shanta qaybood ee howlgalka.
Booliska ATMIS waxa uu u xilsaaran yihiin:
(a) Inay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ka taageeraan si ay u nadiifiyaan waddooyinka muhiimka ah ee saadka (MSRs), kuwaas oo ay ku jiraan meelaha laga saaray Al-Shabaab; hubinta u hoggaansanaanta xeerarka howlgelinta, sharciga caalamiga ah ee bini’aadminnimada (IHL), sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka (IHRL) iyo dhammaan hab-dhaqannada wanaagsan ee caalamiga ah;
(b) Inay taageeraan tababbarrada gaarka ah, la-talinta iyo bixinta taageero howlgal, oo ay ku jiraan kaafwareeg wadajir ah iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah oo la siiyo Booliiska Soomaaliyeed si waafaqsan Qorshaha Kala-guurka ah ee Soomaaliya;
(c) Taageeridda awoodda adeeg bixinta Booliiska Soomaaliyeed ee bixinta adeegyada booliis ee Soomaaliya oo dhan iyada oo la adeegsanayo booliis abuurid iyo howlgelin;
(d) In la taageero iskaashiga booliiska iyo dadwaynaha si loo kordhiyo u adkaysiga xagjirnimada rabshadaha wadata, iyo khalkhalka bulshada taas oo loo marayo booliisaynta bulshada iyo in la taageero dadaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) ee u hoggaansanaanta sharciyada caalamiga ee xuquuqda aadaha iyo beni’aadanimada nabadda haweenka iyo go’aamada amniga iyo heerarka hab-dhaqanka iyo anshaxa;
(e) Inay qabtaan hawlo lagu taageerayo qaybaha ATMIS, iyo sidoo kale Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee sida wadajirka ah ula shaqeeya ATMIS, si ay howlahooda u gutaan iyaga oo si buuxda u raacaya waajibaadka hoos yimaada sharciyada caalamiga ee xuquuqda aadaha iyo beni’aadanimada, iyo in ay u hoggaansamaan Siyaasadda Ku dadaalista Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey ilaa taageerada ciidamada ammaanka ee aan Qaramada Midoobey ahayn (HRDDP), iyo sidoo kale u hoggaansanaanta Qaab-dhismeedka Hoggaaminta iyo La Xisaabtanka Midowga Afrika ee Howlgallada Taageerada Nabadda;
(f) in la taageero hindiseyaasha soo kabashada hore ee meelaha dhowaan la xoreeyey, iyo xiriirinta bini’aadminnimo;
(g) In ay taageeraan hirgelinta Istaraatiijiyadda Xasilinta Qaranka Soomaaliyeed;
(h) In ay taageeraan hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliyeed ee mudnaanta leh iyo bixinta taageerada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo ujeedooyinka ATMIS.