Qeybta ciidanka militariga waxay ka koobnaan doonaan 18,586 askari ilaa 31 Diseembar 2022-ka, markaa ka dib 2 kun oo askari ayaa la dhimi doonaa. Waxaa jiri doona ciidan dhimis kale bisha Sebtembar 2023, Juun 2024 taasoo ay xigidoonto bixitaan kama dambaysta ah ee ciidanka ATMIS ee bisha Diseembar 2024. Hoos u dhigista waxay tixgelin doontaa xaaladda amniga ee Soomaaliya waxaana la sameyn doonaa qiimeyn farsamo oo wadajir ah oo joogto ah.
Wadamada ciidamadooda ka howl-galayaan Soomaaliya waxaa ka mid ah Uganda, Burundi, Keenya, Itoobiya, iyo Jabuuti kuwaas oo ciidamadooda ku saganyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Inkastoo aan weli dib u habeyn lagu sameyn ciidamada, haddana waxaa loo qeybiyay lix qeybood oo kala ah:
Qeybta 1aad – Mas’uuliyadda amni ee ciidamada Uganda (UPDF) waxaa hoos yimaada gobolka Banaadir oo ka kooban qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.
Qeybta 2aad – Iyadoo ay ciidamada Kenya (KDF) ay saldhig howlgaleed ku leh magaalada Dhoobley, qeybtan waxa ay mas’uul ka yihiin ammaanka gobollada Jubbada Hoose, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Qeybta 3aad – Ciidamada Itoobiya (ENDF) waxa ay mas’uul ka yihiin ammaanka gobolada Bay, Bakool iyo Gedo.
Qeybta 4aad – Oo ay ka mid yihiin gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, inkastoo ay qeybo ka mid ah goboladan ku suganyihiin ciidamo Itoobiyaan ah, hadana qaybtan waxaa mas’uul ka ah ciidamada Jabuuti(DJAF).
Qeybta 5aad – Qaybtan oo saldhigeedu yahay gobolka Shabeelaha Dhexe, xaruntiisa howl-gal ee ugu weyna ay ku taal magaalada Jowhar, waxaa mas’uul ka ah ciidamada Burundi (BNDF).
Qeybta 6aad – Qaybtan waxaa mas’uul ka ah ciidamo ka kala socda wadamo kala duwan oo kala ah Ciidamada Itoobiya iyo Kenya.
Ciidamada ATMIS waxay leeyihiin waajibaad shaqo:-
- In la qaado howlgallo wadajir ah, oo qorsheysan lehna bartilmaameed kuwaas oo lala kaashanayo Ciidamada Soomaaliyeed si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada;
- Iyadoo la kaashanaayo Ciidamada Soomaaliyeed, in si wadajir ah loo qabto magaalooyinka muhiimka ah ee ay bulshadu ku badantahay, lana sugo amniga iyo in la ilaaliyo bulshada deegaanka, shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo xarumahooda;
- Inay furaan oo ay sugaan amniga wadooyinka waaweyn ee isku xira magaalooyinka;
- in la horumariyo tayada Ciidanka Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga marka lagaaro dhammaadka xilliga kala guurka ee Disember 2024;
- Inay ka qeyb qaataan sare uqaadidda awoodda ciidanka Soomaaliyeed, iyadoo mudnaanta la siinayo ciidan soo saaris, joogteynta howgallada iyo taageerada howlaha saadka.
Haddi ay jiraan isku dhacyo u dhaxeeya dadka deegaanka,ciidamada ATMIS waxa laga rabaa in ay siyaasad ahaan dhex dhexaad ka ahaadaan oo ay mudnaanta siiyaan ilaalinta dadka rayidka ah.
Waddamada ciidamadooda ka howl-galayaan Soomaaliya waxaa lagu boorrinayaa inay keenaan ciidan haween ku jiraan si loo muujiyo ka qeyb galka firfircoon ee dumarka ee howlgalada iyo in la xaqiijiyo isku dhafka labada jinsi inta uu socdo howlgalka.
Dalalka Ciidamada ku deeqay