Taliyaha ciidamada AMISOM ee hadda waa Sarreeye-gaas Diomede Ndegeya. Waxa uu jagada la wareegay Ogoosto 2020.
Waa sarkaalkii labaad ee sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo qabta xilka wareega kadib Sarreeye-gaas. Silas Ntigurirwa, oo ahaa taliyaha ciidamada 2013 iyo 2014.
Sarreeye-gaas. Ndegeya waxa uu dhashay Disembar 1963-kii, waxa uuna xirfadiisa ciidamada ka badan tahay 40 sano.
Waxa loo qaatay koorsada sarkaalka cadet ee Machadka sare ee Fulinta Militariga Institut Supérieur des Cadres Militaires (ISCAM) Ogoosto 1982 ee Akadeemiyada Militariga Burundi.
Ka hor inta uusan ku biirin AMISOM, waxa uu la taliye sare u ahaa Wasiirka Difaaca Burundi.
Waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo talis iyo maamul isugu jira heer hawleed iyo mid istaraatiijiyadeed ee Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).
Laga soo bilaabo Maajo 2009 ilaa Noofambar 2012, waxa uu ahaa Taliye Ku Xigeenka Ciidanka BNDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi) iyo xubin joogta ah oo ka tirsan Guddiga Qaranka ee Kala diridda, Hub ka dhigsita iyo Bulsho ku soo celinta (DDR) iyo Dib-u-habaynta Qaybta Amniga (SSR). Waxa uu kaalin weyn ka qaatay dejinta iyo hirgelinta Siyaasadda SSR (Dib-u-habaynta Qaybta Amniga) ee Burundi.
Waxa kale oo uu madax ka ahaa qaybta tababarka ee BNDF (Dib-u-habaynta Qaybta Amniga) oo uu xaqiijiyay hirgelinta istaraatiijiyadaha iyo barnaamijyada nabad-dhisidda si loo kala diro bulshadana loogu soo celiyo dagaalyahannadii hore ee Burundi.
Waxa uu sidoo kale ahaa u qeybsanaha difaaca ee safaaradda Burundi ee Qaahira, Masar.
Laga soo billaabo 2007 ilaa 2009, waxa uu ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxdii BNDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi) ee AMISOM ka hor inta aan la dirin. Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa socdaalo sahan ah oo uu ku tagay gobolada Bay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya ka hor inta aan ciidamada AMISOM la geyn deegaanadaasi.
Sarreeye gaas. Ndegeya waxa uu haystaa shahaadada Masterka ee Sayniska Farsamada iyo shahaado Bachelor ah ee Maamulka iyo Cilmiga Dhaqaalaha. Waxa uu tababar ku qaatay machadka madaafiicda ee Ruushka; wuxuuna wax ku bartay taliska iyo istiraatijiyadda difaaca ee Jaamacadda Difaaca Shiinaha iyo Machadka daraasaadka difaaca qaranka heerka sare ee Institut Des Hautes Etudes De Défense Nationale (IHEDN) ee Faransiiska.
Wuxuu daabacay dhowr waraaqo cilmi baaris ah oo ku saabsan hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika oo ay ku jiraan maaraynta askarta lugta, nabad ilaalinta, diblomaasiyadda difaaca, Kala diridda, Hub ka dhigsita iyo Bulsho ku soo celinta DDR iyo Dib-u-habaynta Qaybta Amniga SSR.