Dhoobley, 29-ka Febraayo 2024 – Taliyaha cusub ee ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Sarreeye Guuto Seif Salim Rashid, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka isaga oo kala wareegay Sarreeye Guuto William Kamoiro.
Intii lagu guda jiray xafladii xil-wareejinta ee lagu qabtey Xarunta Dhexe ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee ka tirsan ATMIS ee magaalada Dhoobley, ayaa waxaa xafladda hadal ka jeediyay Sarreeye Guuto Kamoiro, oo dhammeystay waajibaadkiisa shaqo, wuxuu ciidamada ku ammaanay dadaalka ay kaga hortagayaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sharci-darrada ah ee ku sugan Degaanka uu Mas’uulka ka ahaa.
“Muddadii aan ahaa taliyaha qaybta labaad, waxa aanu ku shaqaynay gudaha xuduudaha waajibaadka ATMIS ee waafaqsan Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP),” ayuu yiri Sarreeye Guuto Kamoiro maalintii Talaadada ahayd.
Wuxuu muujiyay nabadeynta degaanka Jubaland ee lagu guuleystay iyo ilaalinta bulshada rayidka ah in ay yihiin qaar ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee la gaaray muddadii uu xilka hayay.
“Ciidamada KDF ee ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya waxay nabad ku soo dabaaleen degaannada Jubaland ee aan gacanta ku hayno waxaanna ilaalinay bulshada rayidka. Hawshan ayaan qabanay annaga oo sameynayna hawlgallo lagu arbushayo laguna wiiqayo awoodda Al-shabaab annaga oo kaashanayna saaxiibadeenna,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Taliyaha xilka ka dagay ayaa sidoo kale ku amaanay ciidamada KDF ee ATMIS ka tirsan taageeradooda ku aaddan hanaanka kala guurka ee ay Soomaalidu hogaamineyso oo ay ka mid yihiin karti-dhsidda iyo isku dhafka Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
“Waxaan taageernay karti-dhisidda iyo isku dhafka Ciidamada Ammaanka Soomaaliya annagoo qabaneyna tababbaro, towjiihin xagga qorsheynta iyo hawl-galka wadajirka ah iyo sidoo kale siinta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya taageero hawlgalo iyo la-talinta istaraatiiji ah,” ayuu tilmaamay.
Dhankiisa, Sarreeye Guuto Seif, ayaa ku celceliyay sida ay uga go’an tahay in uu ilaaliyo dhaxalkii uu ka tagey taliyahii isaga ka horreeyay.
“Waxaan xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay ka gun-gaaridda ujeeddooyinka Hawlgalka ee ay tilmaameen Midowga Afrika, beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed, oo naloo xilsaarey in aan difaacno,” ayuu sheegay Sarreeye Guuto Seif.
Wuxuu ciidamada ku booriyay in ay si fiican u feejignaadaan, iyagoo tixgelinaya caqabadaha ammaanka ee isa soo taraya, wuxuuna ku celceliyay baaqii Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya (CDF), Janaraal Francis Ogola, ee ahaa midnimada iyo qaadashada go’aanka soo celinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.