Home » SARAAKIIL KA TIRSAN DOWLAD-GOBOLEEDKA JUBBALAND OO DHAMMEYSTEY TABABAR LA XIRIIRA ILAALINTA CARRUURTA EE WAQTIYADA AY JIRAAN XAALADAHA DEGDEGGA AH

SARAAKIIL KA TIRSAN DOWLAD-GOBOLEEDKA JUBBALAND OO DHAMMEYSTEY TABABAR LA XIRIIRA ILAALINTA CARRUURTA EE WAQTIYADA AY JIRAAN XAALADAHA DEGDEGGA AH

by Alex Kithumbu

Kismaayo, 11 Nofembar 2023- Soddon iyo Lix sarkaal oo reer Jubbaland ah ayaa dhammeystey koorso shan maalmood socotey oo Tababarka Tababarayaasha ah oo ku saabsaneyd Xuquuqaha Aadanaha si kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadahooda la xiriira ilaalinta xuquuqaha carruurta iyo kooxaha kale ee nugul.

Tababarka oo lagu qabtey magaalada dekadda leh ee Kismaayo waxaa qabanqaabiyey Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Kooxda Isuduwidda Waaxda Madaniga ah ee Jubbaland oo ay iskaashanayaan Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqaha Aadanaha ee Dowlad-goboleedka.

Ka-qaybgalayaasha oo laga soo kala xuley wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Dhallinyarada ee Jubbaland, Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa loo sharxay mowduucyo kala duwan si loo baro aqoon, ay u adeegsan karaan in ay saaxiibbadooda ku tababaraan sida loo sii wanaajinayo ilaalinta carruurta.

“Mid ka mid ah casharrada, waxaan ku baranney qeexidda iyo istiratiijiyadaha lagula dagaallamo xadgudubyada carruurta loo geysto ee ka dhaca bulshadeenna dhexdeeda. Tababarkan waxaa uu ahaa mid aan aad wax uga baranney oo aan wax ugu ogaanney,” ayaa uu yiri Ibraahim Aadan Cabdullaahi oo ka socdey Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Mudane Ibraahim ayaa intaa raaciyey in koorsada uu ka faa’iidey aqoon iyo xirfado ku saabsan sida loola dagaallamo xadgudubyada loo geysto carruurta iyo sida bedqabka carruurta loogu hubiyo bulshada dhexdeeda.

Carfoon Cali Maxamed oo sidoo kale ka socotey Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa ATMIS uga mahadcelisey qabanqaabinta tababarka iyada oo sheegtey in uu gacan ka geysan doono kor-u-qaadista wacyiga ku aaddan culeysyada haysta carruurta iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loo ilaaliyo.

“Waxaan ka munaaqashoonney mowduucyo kala duwan, sida ku-xadgudubka carruurta, qeexiddiisa, sababaha keena, iyo dhibaatooyinka soo wajaha carruurta kora iyaga oo aan helin daryeel waalid oo ku habboon. Ilaalinta carruurteennu waa muhiim, maaddaama ay yihiin qayb ka mid ah bulshadeenna, taas ayaana koorsadan ka dhigeysaa mid aad muhiim u ah,” ayaa ay tiri Carfoon.

Ka-qaybgale kale oo magaciisu yahay Feysal Xaaji ayaa sheegey in tababarku uu gacan ka siiyey in ay fahmaan muhiimadda ay leedahay ilaainta xuquuqaha carruurta.

“Waxaan sidoo kale ka munaaqashoonney sida carruurta bulshadeenna badanaa loo dayaco, iyaga oo qaarkood aan helin waxyaabaha lagamamaarmaanka ah sida waxbarashada. Waxaa arrin laga xumaado ah in marka ay waalidiintu kala tagaan, carruurtu ay dhexda u galaan oo saameyn ku yeeshaan dhibaatooyinkan,” ayuu uu yiri Mudane Feysal.

Tababarka ayaa qayb ka ahaa taxane lagu dhisayey kartida shaqaalaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba.

You may also like