Home » Howl-galka Kumeel-gaarka ee Midowga Afrika oo Taageeray Qorista Ciidamado Cusub oo Booliska Jubbaland ah

Howl-galka Kumeel-gaarka ee Midowga Afrika oo Taageeray Qorista Ciidamado Cusub oo Booliska Jubbaland ah

by Alex Kithumbu

Kismaayo 27 Juun 2022- Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland lagu soo gaba gabeeyay howsha qiimeynta iyo qorista ciidamada Booliska Jubbaland oo socotay muddo saddex maalmood ah.

Howshan ayaa waxaa gacant ku haayay Guddiga Qiimeynta iyo Qorista Ciidanka Booliska Jubaland, oo taageero ka helaayo Unuga Booliska ee Howgalka Midowga Afrika (ATMIS). Gabagabada howshan ayaa wadada u xaaraysa in la bilaabo tababbarida 300 oo askari oo loo diyaarinayo in ay ka mid noqdaan booliiska Jubaland, si kor loogu qaado amaanka gobolka.

“Tallaabada ciidan qorista waxaa loogu talagalay in lagu kordhiyo tirada booliiska Jubbaland si ay ula dagaallamaan dambiyada ayna u sugaan amniga gobolka,” ayuu yiri Lataliyaha Dhanka Adeega Tiknoolojiyada kana mid ah Taliyayaasha Booliska Midowga Afrika Ibrahim Sini.

Taliye Sini ayaa xusay in tallaabadan ciidan qorista ay tahay mid lagu dhisayo tayada booliska dowlad goboleedka, ka hor inta aan la qorsheynin in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Hay’adaha Amniga Soomaaliya dhammaadka bisha December 2024-ka. “Howshan ayaa waxay sidoo kale waafaqsantahay Mabaadi’da Howl-galada iyo Qorshaha Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya,” ayuu sii raaciyey.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland Gaashaanle Sare Jaamac Axmed Xasan oo jimcihii khudbad ka jeediyay furitaanka tababbarka ayaa xusay in howsha ciidan qorista loo maray nidaam adag oo hufan.

“Ciidamada la qoray ayaa ka soo kala jeeda qabiilo kala duwan, waxaana lagu soo xulay heerkooda waxbarasho. Waxaan ka filaynaa inay dib ugu laabtaan degmooyinkii ay ka yimaadeen si ay ammaanka u xoojiyaan,” ayuu yiri Col. Jaamac.

Howsha qiimeynta iyo qorista ciidamada ayaa timid ka dib tababbar  ay ciidamada Booliska Howl-galka Midowga Afrika u qabteen Guddiga Qiimeynta iyo Qorista Ciidanka Booliska Jubaland oo ka kooban odayaal dhaqameed, bulshada rayidka, kooxaha haweenka iyo saraakiil ka tirsan Booliska Jubbaland

Booliska Midowga Afrika (ATMIS) ayaa loo igmaday in uu tababbaro, hago, talana siiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si gacan looga geysato dhisidda awooddooda loona gaarsiiyo heerarka boolisyada caalamka.

You may also like