The UN Security Council Resolution 2767 (2024) endorsed the African Union Peace and Security Council’s decision to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) with the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) with effect from 1 January 2025.
Home » International partners appeal to parliament on eve of presidential election

Saaxiibada beesha caalamka oo baaq u diray baarlamaanka habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.

Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

You may also like