Midowga Yurub ayaa ah saaxiib muhiim ah ee Midowga Afrika, waxaa uuna sii wadaa inuu taageero dhaqaale oo ballaaran ku bixiyo geeddi-socodka nabadda iyo amniga Soomaaliya. Muddo 15 sano ah ayuu Midowga Yurub taageerayey Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), isaga oo ku maalgeliyay in ka badan 2.5 bilyan oo Yuuro si uu u taageero Ciidamada Militeriga, Booliska, iyo qaybaha rayidka iyo sidoo kale Mashaariicda Saamaynta Degdegga ah leh (QIPS) oo lagu gaarsiiyo taageerada aasaasiga ah ee gargaarka bulshooyinka Soomaaliya oo dhan.
Midowga Yurub wuxuu sanadka 2023-da bixiyay 85 milyan oo Yuuro si uu u taageero qaybta militariga deeqdaas oo hoos timaada Xarunta Nabadda ee Yurub iyo 33 milyan oo Yuuro oo dheeri ah oo la siinaayo qaybaha rayidka iyo booliiska sanadka 2023-da iyo 2024-ta.