Home » Ciidamada Itoobiya ayaa lagu ammaanay kaalintooda nabadda iyo amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu ammaanay kaalintooda nabadda iyo amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle

by Alex Kithumbu

Beledweyne, 22 Agoosto 2023 – Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa lagu ammaanay kaalintii ay ka qaateen soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan dhanka saadka iyo taakuleynta, Sar. Gas. Peter Kimani Muteti oo ka hadlayey munaasabad uu  guddoominayay oo ka dhacdey magaalada Beledweyne oo billad sharaf lagu guddoonsiiyey ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya oo soo dhameystay hawlgalkoodii halka sano ahaa, ayaa. ku bogaadiyay ciidamada Itoobiya sida ay ugu guuleysteen inay Al Shabaab ka saaraan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana ay sugaan ammaanka gobolka.

“Waxaan xusuustaa sida dhawaan laydinku igmaday habeenimo inaad madaafiicda ku garaacdaan degmada Maxaas iyo sida aad xilkaas uga soo baxdeen oo meelahii saxda ahaa ula hesheen  madaaficda. Dhammaanteen waxaan la dhacsannay jawaabtaa degdegga ah ee xirfadda leh,” ayuu yiri Sar. gas. Muteti oo matalayey madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Waxaad qabateen waa wax wadankiina ku faani karo sababtoo ah markii la fiiriyo Qeybta Afaraad waxaad aheydeen kuwo mar walba utaagan shaqo iyo wax qabad, waxaadna sii wadeen  taageerada howlgallada wadajirka ah ee aad la laheydeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Aad iyo aad ayaan idiinku mahadcelinaynaa, waana idinku bogaadinaynaa dadaalkiina,” ayuu raaciyay.

Qeybaha ATMIS, qeybta afaraad waxay hoos timaadaa Aagga Mas’uuliyadda wadajirka ah ee Ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti oo xaruntoodu tahay magaalada Beledweyne.

Ciidamada Itoobiya ee saldhigoodu yahey Halgan iyo Maxaas oo ay wehliyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah howlgalo uga sameeyay Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ka hor wejigii labaad ee duulaanka lagu xoreynayo deegaanada ku harsan gacanta Maleeshiyada Al-Shabaab.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Muqtaar Maxamed oo isna ka qeyb galay munaasabadda ayaa kula dar daarmay ciidamada Itoobiya in ay sii joogteeyaan gulufka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

“Shaqadeenu wali ma dhammaan, waa inaan sii wadnaa ilaalinta qiyamka geesiyaasheena, waana inaan ixtiraamnaa naf-hurnimadooda anagoo ku dadaaleyno inaan si buuxda uga ciribtirno argagixisada Soomaaliya. Kaliya dadaalkeenna wadajirka ah ayaa aan ku xaqiijin karnaa mustaqbal nabad iyo barwaaqo u ah dhammaan,” ayuu yiri Danjire Maxamed.Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/llaahi Maalin oo isna ka hadlay xafladda billadaha lagu guddoonsiiyay ciidamada ATMIS ayaa ku dheeraaday wax-qabadkii ay ciidamada ATMIS ka geysteen wejigii koowaad ee duullaanka milateri, wuxuuna ku baaqay in la joogteeyo inta lagu guda jiro wajigii labaad.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana dhawaan bilaabanaya howlgalkii labaad ee duulaanka, waxaan rajeyneynaa in aad gacan ka geysataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah,” ayuu yiri Guddoomiye Macalin.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS, Sar.Guuto. Tegegn Kindu Gezu, Taliyaha qaybta afaraad, G. sare. Hassan Djama, Duqa Magaalada Baledweyne, Nadar Tabaax, iyo saraakiil kale oo ka tirsan UN iyo ATMIS.

You may also like