Taliyaha Booliska, Hillary Sao Kanu waxey shaqada Taliyenimada bilawdey 2da Maarso 2023 iyadoo leh kibrad kabadan 30 sano oo ay ka shaqeyneysey heer dal, goboleed iyo caalami, waxey ku biirtey ciidanka boolisha Siralayoon bisha Luulyo 1992. Intaan xilkan loo magacaabin waxey aheyd Agaasimaha adeega ee xarunta dhexe ee ciidanka booliska Siraliyoon. Waxa kaloo ay usoo shaqeysey hayada Qaramada Midoobey ee UNAMID. Iyo Hawlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee Daarfuur, Suudaan.
Taliyaha Waxey ka soo shaqeysey booliska Siralayoon iyadoo ka soo qabatey shaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin tababare, Dugsiga tabobarka booliska, Madaxa Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Sarkaalka Taageerada iyo Taliye boolis ee Deegmo.
Waxey haysataa shahaada heer Jaamaceed ee cilmiga bulshada oo ay ka qaadatey Kuliyada Fourah Bay ee jaamacada Sirilayoon iyadoo hada kujirta waxbarashada heerka labaad ee jaamada qeybta filasoofiga ee isla Kuliyada Fourah Bay ee jaamacada Siriliyoon
Shahaadooyinkeeda kale waxaa ka mid ah Shahaadada Qalinjabinta Sare ee Cadaaladda Dambiyada iyo Maamulka Booliska ee Jaamacadda Leicester, Boqortooyada Ingiriiska; Shahaadada sare oo macallinimade oo ay ka qaadatay Machadka Waxbarashada iyo Tiknoologiyada Milton Margai, Kuliyadiisa Goderich ee caasimada Freetown, iyo Dibloomada Maamulka Xafiiska iyo Daraasaadka Kombiyuutarka ee Machadka Tababarka Kombuyuutarka ee Kissy oo hadda loo yaqaan (IAMTECH) ee Sierra Leone.
Waxay ka qaybqaatay dhowr barnaamijyo tababar xirfadeed oo ay ku jiraan koorsada Hogaaminta Istaraatiijiga iyo Taliska (Abuja, Nigeria); Koorsada Hogaamiyaasha Sare ee Qaramada Midoobay (Seoul, Kuuriya); Koorsada Booliska ee iskaashiga (Accra Ghana); Koorsada Horumarinta Taliska Hogaanka Sare ee dumarka ah ee booliska (Malaysia); Koorsada Tababarka Nidaamka kala dambaynta dadweynaha ee Caalamiga ah; Tababarka bilayska ee Halw-galka ka hor ee ay bixiso Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNAMID iyo Koorsada Hawlgallada iyo Ka-hortagga Rabshadaha oo ay ku qaadatay magaalada Qaahira ee dalka Masar.