Qaybta rayidka ah waxay yeelan doontaa 70 shaqaale ah oo billow ah, oo kordhaya ilaa ay gaaraan 85 laga billaabo 1 da Janaayo 2023, si ay gacan uga geystaan iskudubbaridka hawlaha xasilinta, dib-u-heshiisiinta iyo dawlad-dhisidda.
Kooxaha rayidka ah waxaa ku jira taageerada Hawlgalka, Kooxaha Qaybaha, iyo Cutubyo joogto ah. Waxaa cutubyadaan mid ah:
- Kooxda Difaaca, Xuquuqul Insaanka, Jinsiga iyo Dabagalka Khasaaraha Rayidka (PHRG – CCTARC)
- Xasilinta – Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Madaniga
- Arrimaha Siyaasadda
- Xogsiinta Dadweynaha
Sida ku xusan waajibaadka ATMIS, dhammaan ciidamada amniga, booliiska iyo qaybta madaniga ah waxaa laga filayaa inay si buuxda u ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada iyo in la xaqiijiyo in kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha iyo xadgudubyada Sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada lala xisaabtamo.
Waajibaadka howlgalka waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in la xoojiyo qaab-dhismeedka sharciga, waxa uuna ku baaqayaa in la dhiso awoodda ilaalinta carruurta, si looga hortago dhammaan noocyada rabshadaha ka dhanka ah carruurta iyo in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah.
Waxaa intaasi dheer, dhammaan dhinacyada ku jira colaadaha hubeysan ee Soomaaliya waxaa loogu baaqayaa in ay dhameeyaan xadgudubyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga. Maamullada Soomaaliya waxaa loogu baaqayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha ay khuseyso si loo xaqiijiyo ka ilaalinta dhammaan rabshadaha galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga, iyo xadgudubyada jinsiga ee la xiriira colaadaha iyo inay qaadaan tillaabooyinka ku habboon ee lagu baarayo tacadiyada lagu soo eedeeyay iyo maxkamadeynta dambiilayaasha si loo joojiyo isla xisaabtan la’aanta.
Howlgalka ATMIS wuxuu ugu baaqayaa Qaramada Midoobay (UN), Midowga Afrika (AU) iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah inay taageeraan maamulada Soomaaliya, waxa uuna ka codsanayaa in ay ATMIS la wadaagaan waayo-aragnimada iyo casharrada laga bartay hawlgallada Dabagalka Khasaaraha Rayidka ah iyo Unugyada Wax-ka-qabashada (CCTARC) oo leh mas’uuliyiin heer qaran ah, oo ay ku jirto aragti lagu taageerayo horumarinta dabagalka khasaaraha rayidka Soomaaliyeed, yaraynta, iyo siyaasadaha iyo hababka ka hortagga.