Home » Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo booqday Baydhabo, kuna amaanay ciidamada Itoobiya ka qeyb qaadashada nabadeynta Soomaaliya

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo booqday Baydhabo, kuna amaanay ciidamada Itoobiya ka qeyb qaadashada nabadeynta Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 9 Agoosto 2023 – Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa Arbacadii booqday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), doorka ay ka qaadanayaan soo celinta nabadda iyo amniga dalka Geeska Afrika.

Danjire Souef ayaa hadalkan sheegay mar uu hoggaaminayay wafdi Sare oo ka socday hawgalka ATMIS oo booqdey magaalada Baydhabo, halkaasoo oo billad-sharaf lagu guddoonsiiyay ciidammada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) oo soo dhameystay waajibaadkooda shaqo.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Muqtaar Maxamed, Taliyaha Ciidanka ATMIS-ka Gash. Sam Okiding, Taliyaha Ciidanka Booliska ATMIS (CP) Hillary Sao Kanu iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan hawlgalka ATMIS.

“Waxaan fursadan uga faa’iidaysanayaa anigoo ku hadlaya magaca ATMIS inaan ugu mahadceliyo Ciidanka itoobiya dadaalkoodii intii lagu guda jirey socdaalkoodii shaqo taasoo suurtagelisay in si hufan wax u qabsoomaan oo la gaaro hadafyadii ATMIS, Isla markaana ay taageeradiina u horseedey Soomaaliya in ay guulo la taabankaro ka gaadhaan ladagaalanka Al-shabaab.” ayuu yiri Amb. Souef intii ay socotay xaflada oo lagu qabtay xarunta qaybta 3aad ee ATMIS.

Qaybta Saddexaad ee hawlgalka ATMIS oo ka kooban Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, waxaa ku sugan oo maamula Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamadan oo la badalayo mudo hal sano oo shaqo ah kadib ayaa la gudoonsiiyay billado Midowga Afrika ah oo ay ku muteysteen dagaalka ay kula jireenn Al-Shabaab iyo sidii ay uga qayb qaateen wada hadalada iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Taageeradiina waxey suuragalisey in hoggaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ay halkan Baydhabo ku qabtaan shirar kala duwan oo looga hadlayo dib u heshiisiinta iyo xasilinta. Waxaa kaloo Soomaaliya guranaysaa miraha nabadda iyo amniga ay ku gaartey taageeradiina. Idinkagama mahadcelin karno wax-qabadkiina qiimaha badan oo dhan,” ayuu hadalkiisa ku daray Amb. Souef.

Safiirka Itoobiya Muqtaar Maxamed, ayaa xaqiijiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay dadaallada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuuna ku bogaadiyay Ciidamada sii baxaya geesinimadooda iyo inay noqdeen safiirro wanaagsan.

“Raggan iyo haweenkan geesiyaasha ah waxay soo bandhigeen geesinimo, bini’aadantinimo, iyo karti-xirfadeed intii ay howlgalayeen,” ayuu yiri Amb. Maxamed.

“Dadaalkooda, waxa ay qayb weyn ka qaadatay dhimista saamaynta iyo xakamaynta Al-Shabaab iyo dagaalyahannada kale, xoraynta xarumaha waaweyn ee dadweynaha iyo abuurista jawi ku habboon hannaanka siyaasadda iyo dawlad-dhisidda, arimahaas oo dhan ma suurto-galeen hadii aysan ciidamadeena samayn dedaal iyo naf-hurid,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey ATMIS iyo Itoobiya taageerada hagar la’aaneed ee ay siiyeen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Tani, ayuu xusay inay sahashay in dhismaha iyo horumarka dowladnimo la gaarsiiyo shacabka.

“Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo, waxay si dhow nagala shaqeeyeen soo celinta amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo sugidda amniga dadkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Wafdiga ayaa markii dambe booqday Isbitaalka heerka 2-aad ee ATMIS ee magaalada Baydhabo halkaas oo ay ku soo arkeen goob caafimaad oo lacag la’aan ah oo loogu talagalay bulshada deegaanka, taasoo qeyb ka ah Mashruuca ATMIS ee iskaashiga rayidka iyo militariga (CIMIC) si ay xiriir wanaagsan ula yeeshaan dadka rayidka ah.

Munaasabadda billadaha lagu guddoonsiinayay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wakiilo ka socday Kooxda Taageerada Ergada Boqortooyada ingiriiska  (UKMIST) iyo Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay oo fadhigoodu yahay Baydhabo.

You may also like