Kismaayo, 2 Agoosto 2023 – Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa Isniintii booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula kulmay masuuliyiinta ATMIS iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada la siiyo dowlad dhisida Soomaaliya.
“Soomaaliya horumar weyn ayay sameysay, horumarkaasna waxaa sabab u ah wadashaqeynta hawlgalka ATMIS iyo Qaramada midoobey ee dhanka horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Maanta, dadka Soomaaliyeed waxay ku noolaan karaan si nabad ah,” ayuu yiri danjire Souef.
Madaxa ATMIS ayaa hadalkan ka sheegay safar shaqo oo ay si wada jir ah ugu tageen dowlad goboleedka Jubaland, iyadoo ay weheliso Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aisa Kirabo Kacyira.
Labada mas’uul ayaa waxaa safarka ku wehlinayay taliyaha ciidamada ATMIS Sar. Guud. Sam Okiding, taliyaha booliska Hillary Sao Kanu, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan UNSOS iyo ATMIS. Wafdiga ayaa waxaa qaabilay Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana ay ka wada hadleen dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab, Amniga, Siyaasadda iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, ATMIS iyo UNSOS.
Booqashada ayaa timid waqti uu Hawlgalka ATMIS iyo saaxiibadood ay isku diyaarinayaan inay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wada jir ah oo ku saabsan wejigii koobaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS kaas oo soo gabagaboobey Juun 2023.
Natiijooyinka qiimenta ayaa lagu saleyndoonaa wajiga labaad, oo ah bixitaanka 3000 oo askari oo kale oo ciidan ATMIS ah dhamaadka Sebtember 2023.
Intii lagu gudajiray wajiga koowaad, ATMIS ayaa dalka ka bixisey 2000 oo askari iyadoo lix saldhigna ku wareejisey ciidamada amaanka Soomaaliya (SSF).
Isagoo qeexayo harumarka ilaa hada laga gaarey ee xasilinta waddanka Geeska Afrika, Danjire Souef, wuxuu xusay in dib udhiska dowlada federaalka ee Soomaaliya (FGS) ay ka dhalatay dadaalka iskaashi ee ay sameeyeen hoggaanka Soomaaliya, ATMIS, Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada caalamiga ah.
Wuxuu ku booriyay shaqaalaha UN iyo ATMIS inay sii wadaan tababarada gaarka ah iyo xirfad siinta shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya si ay gacan uga geystaan kordhinta tirada shaqaalaha xirfadda leh ee qaybaha kala duwan.
“Waxaan rabaa in aan idin cadeeyo in aan halkan u joogno wanaag iyo hiil oo aan ku taageerayno shacabka Soomaaliyeed. Wax kasta oo aan sameyneynana waa inaan ka hormarinaa danahooda,” ayuu usheegey danjire Souef oo khudbad u jeediyay shaqaalaha Hawlgalka ee fadhigoodu yahay Kismaayo.
Isaga oo cadeeyey in si guul leh loo hirgeliyay wejiga koowaad ee dhimista ciidanka, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika waxa uu ka codsaday shaqaalaha hawlgalka in ay taageeraan hirgelinta qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee kala ah 2628 iyo 2670 (2022) iyo 2687 (2023) kuwaas oo faraya ATMIS in ay ka caawiso ciidamada amaanka Soomaaliya in ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga ka hor Ka bixitaanka Howlgalka ee Soomaaliya December 2024.
Dr. Kacyira ayaa sheegtay in Hayada Qaramada Midoobey ee UNSOS ay sii wadi doonto dadaalka lagu aruurinayo dhaqaale lagu taageerayo ciidamada ATMIS si ay u wiiqaan Al-Shabaab inta lagu jiro xilliga kala guurka ah.
“Waxaan ogsoonnahay in khatartu ay weli tahay mid dhab ah, sidaas darteed, waxaan rabnaa inaan xaqiijino in dhimista ciidamadu ay sii socoto, waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa taageerada si loo xaqiijiyo in nabadda iyo ammaanka la ilaaliyo,” ayay tiri.
Madaxa UNSOS oo socdaalkeedii ugu horeeyay ku joogtey Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku celisay in Hayada qaramada midoobey ee UNSOS ay sii wadi doonto taageerada dhanka qalabeynta ah ee ay siiso ATMIS iyo SNA inta lagu guda jiro howlgalada ciidamada ee wadajirka ah.
Sar. Guud. Okiding ayaa sheegay in ujeedada socdaalka ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa isku xirka iyo wadashaqeynta ATMIS, Qaramada Midoobay iyo masuuliyiinta Soomaaliya.
“Waxaan la wadaagnay mas’uuliyiinta Jubaland xog muhiim ah oo ku saabsan amniga, waxaana sahaminnay dhinacyo cusub oo iskaashi ah,” ayuu yiri taliyaha ciidamada.