Home » Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya si uu uga warbixiyo taageerada ay siinayan Hawlgalka ay DFS hormuudka ka tahay, dhimista Ciidamada ATMIS iyo Qiimeynta Farsamo ee Wadajirka ah

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya si uu uga warbixiyo taageerada ay siinayan Hawlgalka ay DFS hormuudka ka tahay, dhimista Ciidamada ATMIS iyo Qiimeynta Farsamo ee Wadajirka ah

by Alex Kithumbu

Dhuusamareeb – Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef, iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS, Sarreeye Guud Sam. Okiding ayaa Khamiistii la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si uu uga warbixiyo taageerada hawlgalka ATMIS ee ku aaddan hawlgalka ciidan ay DFS hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah Al-shabaab, wajigii labaad ee dhimista ciidamada ATMIS iyo halka ay marayso qiimeynta farsamo ee wadajirka ah ee ay Codsadeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 2687.

“Waxaan ka hadalnay Hawlgallada dagaal ee socda, waxayna ahayd fursad wanaagsan anigoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika in aan ugu hambalyeyno Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya howlgalladii ugu dambeeyay iyo kuwa guulaha laga gaaray ee lagula dagaalamayo Al-shabaab,” ayuu yiri Danjire Souef.

Danjire Souef ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsanyahey yahay horumarka laga gaaray diyaarinta qorshaha bixitaanka 3,000 oo askari oo kale oo ATMIS ah marka lagaaro dhamaadka bisha Sebtembar 2023-da. Marka la eego qiimeynta farsamada ee wadajirka ah ee loo dejiyay in dib u eegis lagu sameeyo dhimistii ugu horreysay ee 2,000 oo askari aheyd bishii June 2023-da, ayey kooxda sameyneysey mar hore soo gaareen Soomaaliya waxayna kulamo kala duwan la yeelanayaan dhamaan bahwadaagta.

“Arrimuhu si habsami leh ayay u socdaan, waxaana rajeyneynaa in dhammaadka Sebtembar, wejiga labaad ee dhimista ciidamada la soo gabagabeyn doono. Waxaana taageero buuxda ka haysanaa Madaxweynaha,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalsooni ka muujiyay in waqtiyadii lagu heshiiyey lagasoo bixi doono.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Hawlgalka ATMIS guulaha ilaa hadda la gaaray, isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan horumar intaas la’eg ku tallaabsateen, haddii aysan jirin kaalmada walaaltinimo  ee ay ay ka heshay hawlgalka ATMIS iyo hawlgalkii ka horeeyey ee AMISOM.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Soomaaliya siiyaan Saaxiibada kala duwan, waxa uuna ka codsaday in lasii kordhiyo taageerada qalabeynta iyo sidii loo dhisi lahaa tayada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Danjire Souef iyo Taliyaha Ciidanka ayaa sidoo kale booqday saldhiga Ciidanka  Jabuuti (DNDF) ee qaybta ah hawlgalka ATMIS ee Dhuusamareeb, waxayna la kulmeen taliyaha saldhiga Gaashaanle Ali Ibrahim Ali, waxayna kala hadleen daryeelka Ciidamada iyo u diyaargarowgooda dagaal.

Waxayna ku dhiiri galiyeen ciidamada in ay ku dadaalaan oo ay ka go’naato sugidda amaanka garoonka diyaaradaha oo sahlaya isu socodka dadka iyo badeecadaha, wax weyna ka tara horumarka bulsho iyo kan dhaqaale ee Galmudug.

You may also like