Baydhabo 24 Agoosto 2023 – Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa ku ammaanay Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee ka tirsan hawlgalka ATMIS wadashaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Bahwadaagta kala duwan ee dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed oo ay ka mid yihiin Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedka. ,Kooxaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.
Danjire Souef ayaa hadalkan ka sheegay safar ay si wadajir ah isaga iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Dr. Aisa Kirabo Kacyira, ay ku tageen magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin sare ka tirsan ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya.
“Aad ayaan ula dhacsanahay wada shaqaynta qotoda dheer ee ka dhex jirta ciidamadayada ATMIS iyo bahwadaagta muhiimka ah ee halkan joogta. Xarunta Howlgalka Wadajirka ah waxaan ku aragnaa in dhammaan dhinacyadan ay ka qeyb qaadanayaan oo ay gacan ka geysanayaan xog uruurinta iyo falanqaynta taasoo lagama maarmaan u ah amniga iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Danjire. Souef.
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Kooxda Qiimeynta Farsamo ee Wadajirka ah ee booqashada ku yimid wejiga koowaad ee dhimista oo uu hoggaaminayo ku-simaha Madaxa Qaybta Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (PSOD) Guddiga Midowga Afrika, Zinurine Alghali, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka ATMIS ee u qaabilsan Saadka iyo Taageerada Sar.Gas. Peter Kimani Muteti, Taliye ku xigeenka Booliska ATMIS CP Martin Amoru, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hawlgalka ATMIS iyo Hayada Qaramada midoobey ee UNSOS.
Taliyaha Qeybta Saddexaad ee ATMIS, Sar. Guuto. Besfat Fente, ayaa kooxda uga warbixisay howlgallada ka socda Aaga ay masuulka ka yihiin oo ay ka mid tahay Xarunta Howlgallada Wadajirka ah, Falanqaynta halista iyo wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin bahwadaagta muhiimka ah.
Taageerada saadka ee ay bixiso Hayada Qaramada midoobey ee UNSOS ayuu Danjire Souef sheegay in ay si weyn uga qayb qaadanayso in ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay awoodaan in ay ka hortagaan fallaagada Al-Shabaab oo ay ilaaliyaan ammaanka iyo xasilloonida gobolka.
“Joogitaankayaga halkan manta ayaa ah inaan sii xoojino xiriirka adag ee iskaashiga ee ka dhexeeya ATMIS, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibadayada caalamiga ah si loo helo Soomaaliya wanaagsan,” ayuu raaciyay.
Danjire Souef ayaa ku ammaanay maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” sida dhow ee ay ula shaqeeyaan ATMIS, qaramada midoobey iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo gaaro ujeedooyinka soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka.
“Soomaaliya waxay hadda wajaheysaa laba caqabadood oo ah argagixisanimada iyo isbedelka cimilada, waxaana mas’uuliyad naga saaran tahay ka beesha caalam ahaan inaan idin garab istaagno oo aan idinkala shaqeyno sidii dalkan quruxda badan loo soo nooleyn lahaa,” ayey tiri madaxa UNSOS Dr. Kacyira iyadoo cadeysey u heellanaanta Qaramada Midoobay ee hannaanka dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Waxay shaaca ka qaaday in hayada Qaramada Midoobey ee UNSOS ay si firfircoon u raadineyso iney dhaadhiciso adeegyada ay bixiso si ay u fududeyso taageerada howlgalka nabadda Soomaaliya.
“Waxaan u shaqeyn doonnaa Si wadajir ah si aan u taageerno dhaadhicinta adeegyadayada, si aan ugu fududeyno bahwadaagta shaqada iyo ilaalinta amniga qarankan. Waan ogahay awoodda maamul-daadejinta in ay fududeyso hufnaanta, go’aan qaadashada iyo hawlgallada, sidaas darteed, waxaan rabnaa inaad heshaan adeegyada ugu wanaagsan,” ayay raacisay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed, Xasan C/qaadir Maxamed, ayaa uga mahad celiyay ATMIS iyo Qaramada Midoobey taageerada joogtada ah ee ay siinayaan hanaanka nabadda iyo ammaanka ee ay Soomaalidu hormuudka ka tahay.
Booqashadan wadajirka ah ee ay ku tageen magaalada Baydhaba oo daba socotay booqasho tan la mid ah oo ay ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa xoojineyso diyaar garowga socda ee lagu dhimayo 3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS dhamaadka bisha September.
Wajigii koowaad ee bishii Juun 2023, ATMIS waxay ku guuleysatay inay la baxdo 2,000 oo askari waxayna ku wareejisay lix saldhig oo hore uga hawlgeli jirtay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).