Home » Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay munaasabadda 63-aad ee xorriyadda

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay munaasabadda 63-aad ee xorriyadda

by Alex Kithumbu

atmis press release

WARSAXAAFADEED

(Oo degdeg ah)

Hawlgalka ATMIS PR/14/2023

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay maalinka xorriyadda u diray dhammaan shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa sheegay in maalinta xorriyadda ee sanadkan ay ku soo beegantay xilli uu wadanka in muddo ah ku naaloonaayo nabad iyo amni tan iyo sannadkii 1991-dii, wuxuuna xusay in dalku uu ku tallaabsaday horumarro la taaban karo oo ku aaddan dhismaha tayada lagama maarmaanka ah ee ciidammada amaanka sida kordhinta tirada ciidamada iyo dib u habaynta muhiimka ah ee ay si buuxda ula wareegi karaan mas’uuliyadaha amniga dalka marka ay ATMIS dalka ka baxdo bisha Diseembar 2024-ta.

“Waxaan ku bogaadinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen dadaallada aan kala joogsiga lahayn ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasilloonida dalka”. Ayuu yiri Danjire Souef.

Madaxa ATMIS wuxuu ku celceliyay go’aanka ay ATMIS ku taageereyso hannaanka nabadda iyo amniga ee ay Soomaalidu hormuudka ka tahay si loo xaqiijiyo mas’uuliyadaha amniga ee dalka in si habsami leh oo dhammaystiran loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

“ATMIS waxa ay sidookale bilowday dhimista ciidamadeeda Soomaaliya iyadoo la raacayo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo Qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2628 iyo 2670 (2022). Dhimista 2000 oo askari ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo dhammaadka bishan Juun iyadoo saddex ka mid ah toddobada fariisimo ciidan ee ay tahay in la wareejiyo hore loogu wareejiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Danjire Souef.

_________________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Af-hayeenka Ciidamada: G.Dhexe A. Ganale,

Email: atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like