Muqdisho, 5 Maajo 2024 – Wafdi heer-sare ah oo ka socda Guddiga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxa Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda (PSOD), Sarreeye Guud Cheick Dembele, ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay in uusan amniga gacanta ka bixi doonin, ka-dib marka hawlgalka ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika uu ka baxo Soomaaliya dhamaadka sanadkan.
Wafdiga ayaa sheegay in Guddi Saddex-geesood ah, oo ka kooban Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), uu xaqiijin doonno in si habsami la’aan ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejin doonno Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.
“Waa in aan u sameynaa si xirfadaysan oo habaysan si amniga uusan gacanta uga bixin, oo aan loo lumin guulihii la kasbaday 17kii sano ee aan halkan joognay,” ayuu yiri Sarreeye Guud Dembele intii lagu guda jiray booqasho uu dhowaan ku tagey Saldhigyada Furumaha Hore ee Xawaadleey iyo Qoryooley oo ku kala yaalla gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Ujeeddada laga lahaa booqashada wafdiga ayaa ahayd in la sameeyo qiimeyn istiraatiijig ah si loo muujiyo qaababka kala-guurka habsami la’aanta ah ee mas’uuliyadaha amniga uu hawlgalka ATMIS ku wareejinayo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo dhismaha hawlgalka taageerada nabadda ee uu hoggaamiyo Midowga Afrika ATMIS ka-dib.
ATMIS waxaa la filayaa in uu Soomaaliya ka baxo dhammaadka bisha Disembar 2024, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2710 (2023) Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira qorsheyaal lagu dhisayo ciidan ATMIS ka-dib si uu gacan uga geysto ilaalinta xarumaha dadweynaha ee istiraatiijiga ah, xarumaha QM iyo dhismayaasha dowladda ee muhiimka ah.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa wafdiga ku wehliyay safarkii ay ku tageen magaalada Baydhabo halkaasi oo ay wadahadal kula yeesheen Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’.
“Waxaan ka wadahadalnay arrimo la xiriira ilaalinta shacabka iyo waxqabadka ciidamadeenna iyo sidoo kale qabanqaabooyinka amniga iyo kulamada dabagalka ee joogtada ah ee ku saabsan ATMIS ka-dib 2025,” ayuu yiri Danjire Souef, oo bogaadinaya doorka ciidamada Itoobiya ay ka qaadanayaan wiiqidda awoodda Al-Shabaab ee gobolka.
Sarreeye Guud Dembele ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay fahamka xaaladda ka jirta degaanka iyo raadinta aragtiyada dadka si ay uga caawiyaan sameynta qorshe hawleed taabogal ah.
“Si aynu u keensano qalab hawl-qabad leh oo wax ka qabanaya xaaladda dhabta ah ee ku salaysan xaqiiqada, ayaa waxa loo baahan yahay in aan u dhawaanno dadka oo aan raadinno aragtiyadooda,” ayuu xusay.
Wafdiga waxaa la filayaa in uu u gudbiyo warbixinta qiimeynta iyo qorsheynta oo dhammeystiran Golaha Amaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika taas oo muujinaysa qaabka guud ee qabanqaabada amniga ee ATMIS ka-dib.