Home » Wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey booqashadii ay ku joogeen Soomaaliya ee la xiriirtay dhimista ciidamada iyo Waajibaadka cusub ee ATMIS

Wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey booqashadii ay ku joogeen Soomaaliya ee la xiriirtay dhimista ciidamada iyo Waajibaadka cusub ee ATMIS

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 9 Luulyo 2023 – Wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka, Dr. Alhaji Sarjoh Bah, ayaa soo gebagebeeyey socdaal shaqo oo qaatay muddo afar maalmood ah oo ay ku joogeen Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan marxaladda koowaad ee qorshaha Dhimista ciidamada. kaasoo si guul ah loo soo gabagabeeyay dhamaadkii bishii hore.

“Waxaan halkaan u nimid inaan la hadalno  hawlgalka ATMIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS), Qaramada Midoobay, iyo saaxiibada beesha caalamka oo aan kala hadalno arimaha ku saabsan geedi-socodka kala-guurka iyo shuruudaha Qaraarka cusub ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687 (2023), Tallaabooyinka aan u baahanahay inaan qaadno si aan ufulino wejiga xiga ee dhimista ciidamada kaasoo bilaabmaya Sebtembar qaraarkaas oo ah dhimista  3,000 oo askari oo ATMIS ah,” ayuu yidhi Dr. Bah.

Wajigii koowaad ee kala guurka waxaa ku jiray dhimista 2,000 oo askari oo ka mid ahaa hawlgalka ATMIS iyo wareejinta lix saldhig oo lagu wareejiyo ciidamada amaanka Soomaaliya.

Dr. Bah waxa uu sheegay in iyada oo la raacayo Qaraarka tirsigiisu yahay 2687 (2023), in la sameyn doono qiimayn farsamo oo wadajir ah bisha soo socota si loo diyaariyo farsamadii lagu fulin lahaa qaraarka cusub ee dhimista 3,000 oo askari oo ATMIS ah loona dhamaystiri lahaa dhammaadka bisha Sebtembar.

Masuuliyiinta Midowga Afrika ayaa sidoo kale la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha. Xoghayaha Guud (ASG), Aisa Kirabo Kacyira. Waxay ka wada hadleen doorka Qaramada Midoobay ee nabadaynta, dib u heshiisiinta, dhimista Ciidamada iyo wareejinta mas’uuliyadaha amniga.

“Waxaan ku jirnaa xilli aad xasaasi u ah, waxaana aad ula dhacay xamaasadda, heerka iskaashiga iyo dareenka ah inaan dhammaanteen u wada jeedno jiho faa’iido badan leh,” Dr Bah ayaa xusay.

Mar uu ka hadlayay amniga, Agaasimaha ayaa ammaanay Madaxweynaha Soomaaliya, H.E. Xasan Sheekh Maxamuud, horumarka baaxadda leh ee uu ka sameeyay isbeddel dhinaca amniga ah oo ay hormuud ka tahay Soomaaliya, inta lagu guda jiro xilliga ugu horreeya ee xafiiska.

“Waa calaamad muujinaysa horumarka. Waa xili ay tahay inaan dhammaanteen si wadajir ah u dabaaldegno. Sidoo kalana waxa ay daliil cad u tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u istaagtey sidii ay ula wareegi lahayd mas’uuliyadda koowaad ee ka saaran amniga Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Intii ay shirarku socdeen, Dr Bah waxa uu u mahadceliyey dhamaan bahwadaagta sida ay u muujiyeen taageerada adag ay siiyeen Soomaaliya. Waxuu kaluu muujiyay sida uu ula dhacsan yahay sida saaxiibada uwada shaqeeyaan iyo is-afgaradka caalamiga ah ee lagu xoojinayo guulaha laga gaaray amniga si loo soo celiyo midnimada gobolka Geeska Afrika.

You may also like