Home » Wafdi ka socday Midowga Afrika oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyagoo ka wadahadley taageerada iyo iskaashiga

Wafdi ka socday Midowga Afrika oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyagoo ka wadahadley taageerada iyo iskaashiga

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 21 Luulyo 2022 – Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray taageerada Midowga Afrika ee hirgelinta Qorshaha Kumeel-gaarka Soomaaliyeed ee Amniga.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa u sheegay wafdiga Midowga Afrika ee booqashada ku jooga Soomaaliya in dowladda Soomaaliya ay weli si buuxda uga go’antahay horumarinta tayada hay’adaha amniga si ay gebi ahaanba mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628, iyo War-murtiyeedka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay ka soo saareen kal-fadhigoodii 1068-aad.

“Waxaan rajeyneynaa inaan wadashaqeyn dhow iyo iskaashi wax ku ool ah la yeelano ATMIS iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, iyo sidoo kale kordhinta taageerada dhinacyada tababarada xirfadsiinta, iyo sidoo kale taageerada qalabka iyo saadka ee ciidamadeena amniga,” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sheegay kulanka.

“Annaga oo kaashanayna taageerada Midowga Afrika, waxaa naga go’an inaan qaadno dagaal xooggan oo dhan walba ah si aan uga hortagno Al-Shabaab, Daacish iyo ururrada kale ee argagixisada ah, annagoo adeegsanayna qaab awood ciidan iyo mid maskaxeed,” ayuu raaciyay ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada, iyo in la sii wado dardargelinta hadda jirta iyadoo la xoojinayo howlgallada ciidan ee wadajirka ah si dib loogu furo waddooyinka halbowlaha ah ee muhiimka u ah gargaarka bini’aadannimo, dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo xureynta isu-socodka bulshada.

“Waxaan wada hadal miro dhal ah la yeelanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulankeena diiradda lagu saaray taageerada ATMIS ee Soomaaliya, iyo sidoo kale istaraatiijiyadda bixitaanka. Waxaan eegnay waxa ilaa hadda la qabtay si loo xaqiijiyo in ATMIS si guul leh u dhameystirmo 31-ka December 2024,” ayuu yiri Danjire Abdi Mahamoud Eybe, oo hoggaaminayay wafdiga Midowga Afrika.

Kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen wafdiga Midowga Afrika iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Ashkir iyo madaxda kale ee dawladda, ayaa waxaa looga hadlay sidii ay si wadajir ah ushaqeyn lahaayeen howl-galka ATMIS iyo hay’adaha amniga Soomaaliya.

“Arrinta kala guurka, dowladda Soomaaliya waxay ixtiraami doontaa muddada 30-ka bilood ah ee lagu heshiiyey in ATMIS ay amniga ku wareejiso ciidamada Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an inaan si dhow ula shaqeyno Midowga Afrika si loo xaqiijiyo hannaanka kala-guurka oo habsami leh oo hagaagsan,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sh. Cali, kulanka kaddib.

Ka dib, Wafdiga Midowga Afrika waxay la kulmeen Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Lisa Filipetto.

Mr Swan ayaa ka hadlay sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay in ay kala shaqeyso ATMIS arrimaha amniga iyo arimaha kale ee hortabinta leh ee qaranka kuwaas oo xoojinaya howlaha qaranka Soomaaliya, sida uu dhawaan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Arrimahaas hortebinta leh waxaa ka mid ah dib u heshiisiin lala sameeyo Dawlad goboleedyada Dalka, dhamaystirka hannaanka dib u eegista dastuurka, u diyaar garowga wadajirka ah ee doorashooyinka mustaqbalka, iyo in si degdeg ah looga jawaabo xaaladda abaareed ee hadda halakeysay deegaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya.

You may also like