Home » ATMIS waxay ku boorinaysaa beelaha is haya ee Baledgoole in ay wada hadlaan si loo xaqiijiyo Amniga iyo Xasiloonida

ATMIS waxay ku boorinaysaa beelaha is haya ee Baledgoole in ay wada hadlaan si loo xaqiijiyo Amniga iyo Xasiloonida

by Alex Kithumbu

Balidoogle, Soomaaliya – 20 Agoosto 2023: Taliye ku-xigeenka Kooxda 36-aad ee Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), oo ka tirsan Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS); G. Dhexe Peter Barigye ayaa ku booriyay beelaha is haya ee Bali doogle inay wada hadlaan oo ay xaliyaan khilaafaadkooda si loo xaqiijiyo nabad ku wada noolaanshaha.

Isagoo ka hadlayay mar uu xarunta ATMIS ee Balidoogoole ku qaabilay guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Muxamed Bare ayaa kula dar daarmay maamulka deegaanka in ay cadeeyaan meelaha la isku hayo, isla markaana xal waara laga gaaro khilaafyada soo noqnoqday ee u dhaxeeya beelaha Galjeele iyo Shaldlamoof.

“Hal dariiqo oo lagu gaaro nabadda iyo wada noolaanshaha waa in maamullada ay wadahadlaan si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo horumarka. Taasi oo wanaajin doontaa nolosha dhaqaale ee bulshada, waxayna sidoo kale gacan ka geysan doontaa in dhalinyarada aan laga dhaadhicin  in ay qortaan kooxaha xagjirka ah,” ayuu yiri G.Dhexe Barigye.

Xiisada colaadeed ee u dhaxeysay labada beelood ee walaalaha ah ee wada dega degmada Wanle Wayne ee Balidoogoole oo qiyaastii 75Km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimada Muqdisho ayaa inta badan ka dhashaan colaado sii xumeeya xaalada amaanka.

Guddoomiye Muxamed ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS ee yugandha doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen xaqiijinta xasiloonida waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada uu siinayo hawlgalka maamulka deegaanka.

You may also like