Home » ATMIS iyo UNSOS oo Ciidamada Milateriga iyo Booliska ku tabobaraya hanaanka sahayda shidaalka iyo Ilaalinta deegaanka xiliyada dagaalka iyo goobaha colaadaha

ATMIS iyo UNSOS oo Ciidamada Milateriga iyo Booliska ku tabobaraya hanaanka sahayda shidaalka iyo Ilaalinta deegaanka xiliyada dagaalka iyo goobaha colaadaha

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 11 Luulyo 2023 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa tababaraya 55 askari oo isugu jira millatari iyo booliis, tabobarkaas oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee bixinta iyo keenista shidaal iyo badbaadada deegaanka, maadaama ay yihiin qodobo  muhiim u ah in laga gaaro guulo wadajir dagaalka lagula jiro maleeshiyaad Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee uqaabilsan hawlgalada iyo qorshayaasha, Sar. Gaas Marius Ngendabanka, ayaa ka sheegay xaflada furitaanka tabobar ku saabsan hagaajinta isticmaalka shidaalka in wajiga labaad ee hawlgalka dagaal ee ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada ah ee ay hogaaminayaan ATMIS  iyo dawlada federaalka ah uu keeni doono in uu kordho baahida loo qabo shidaalka iyo saliidaha.

“Tirada hawlgallada ee kordhaya waxay si toos ah u kordhinayaan baahida taageerada cirka iyo codsiyada shidaalka. Sidaa darted tabobarqaatayaashu waa in ay wanaajiyaan aqoontooda iyo fahamkooda ku saabsan keenista shidaalka iyo saliidaha,” ayuu yiri Sar.Gaas. Ngendabanka.​

“Tababarkani waxuu idiinyahey fursad fiican oo aad ku ogaaneysaan cadadka sallid, shidaal iyo olyo ee loo baahanyahy idinkoo ku salaynaya qalabka gaadiid ee uu ciidanka wato,” ayuu raaciyay.

tabobarkan ayaa ku soo beegmaya xili ay ATMIS diyaarinayso in ay samayso qiimayn ku saabsan sidii loo fulinlahaa wajiga xiga ee bixitaanka ciidamada ee September 2023. Bishii la soo dhaafey hawlgalka ATMIS ayaa fuliyey dhimista 2000 oo askari iyadoo la raacaya qaraarada Golaha amaanka ee Qaramada midoobey ee kala ah2628 and 2670 (2022). Isla markaana saldhigyo la xushey masuuliyadiisa amni lagu wareejiyey Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Tabobarkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Xarunta Taageerada hawlgalada Wadajirka ah ee ATMIS (JSOC) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) Qaybta Shidaalka, ayaa ah in la xaqiijiyo in si joogto ah oo waqtigeeda ah loo bixiyo tirada iyo tayada saxda ah ee shidaalka, Saliida iyo Garaasooyinka loo baahanyahey.

Madaxa Saadka iyo qorshayaasha ATMIS, G. Sare Bosco Sibondavyi, ayaa yiri, “ujeeddada tababarkan waa in la ballaariyo aqoonta lana wanaajiyo fahamka qiyaasta shidaalka iyo saliidda loobaahanyahey.”

Tababarka ayaa sidoo kale ujeedadiisu tahay in la ogaado caqabadaha ka jira gaarsiin iyo helida shidaalka wakhtiga ku haboon, taas oo ah mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee looga baahan yahay Saldhigyada ATMIS si ay uguliyaan hawlgalo guuleysta.

“Joogteyntu waa mid ka mid ah mawduucyada aan isla qorsheyndoono anagoo Hawlgalka ATMIS, hayada Qaramada Midoobey ee UNSOS, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA). Sideen u isticmaali karnaa Farsamooyinka iyo daah-furnaanta si aan u dhisno hab joogto ah oo shidaal loo helo laga bilaabo kor oo ah qandaraaslayaasha shidaalka ilaa hoos oo ah isticmaalayaasha dhamaadka? ayuu yiri Michael Dorn, Madaxa Adeegga Bixinta ee UNSOS.

Dhammaadka tabobarkan, ka qaybgalayaasha ayaa la filayaa inay si qoto-dheer u fahmaan diyaarinta shidaalka badan iyo shuruudaha loo baahanyahey, qaabka diyaarinta warbixinta shidaalka, caqabadaha iyo saamaynta ay ku leeyihiin qaybaha ATMIS, iyo shuruudaha shidaalka aan caadiga ahayn iyo kuwa kale.

Iyada oo qayb ka ah dadaallada lagu dhimayo qiiqa kaarboonka, ATMIS oo taageero ka helaysa Hayada Qaramada Midoobey ee UNSOS, ayaa billowday in ay Soolaro ku badalaan Matooradii korontada ee yaaley saldhigyada. Si kastaba ha ahaatee, hawlgal nabad ilaalin ahaan, hawlaheedu waxay weli u baahan yihiin isticmaalka gaadiidka, diyaaradaha, iyo qalabka kale ee shidaalka isticmaalo.

Hayada Qaramada Midoobay ee UNSOS waxay siisaa taageero farsamo iyo saadka hawlgalka ATMIS, si ay Ciidanka u awoodaan iney ku hawlgalaan si badqab ah agabyada Qaramada midoobey iyo kuwa dalalka ugu deeqey ciidanka hawlgalka ATMIS. Waxaa kaloo ay bixisaa tabobaro ka hor inta aan hawlgalka loodirin ciidanka iyo inta ay xeryaha ku jiraan.

You may also like