Home » ATMIS, UN pledge to promote sustainable environment in Somalia

ATMIS, QM oo ballanqaaday horumarinta arrimaha deegaanka ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 9 Juun 2024 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Qaramada Midoobay (QM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ballanqaaday horumarinta dhawrista deegaanka si wax looga qabto isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

Waxaa ballanqaadkan sameeyey Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Sivuyile Thandikhaya Bam, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga, Agaasimaha UNSOS u qaabilsan Taageerada, Qurat-ul-Ain Sadozai iyo wakiil ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdiraxiim Barre Maxamed mar ay ka qaybgaleen munaasabad lagu xusayay maalinta deegaanka adduunka oo lagu qabtay Muqdisho.

Mudane Bam oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda dhawrista deegaanka Soomaaliya, gaar ahaan inta lagu hawlan yahay dhimista ciidanka ATMIS.

“Waxaan garowsannahay ahmiyadda arrimaha deegaanka gaar ahaan marka aan saldhigyada muhiimka ah ku wareejineynno Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo muddada ay socoto dhimista ciidanka ATMIS, sidaas awgeed waa inaan sii wadnaa dadaallada lagu dhawrayo deegaanka ee saldhigyadeenna hore iyo bulshooyinka,” ayuu yiri.

Sanadkii hore, ATMIS waxay ballanqaadday inay 30,000 geed ku beeri doonto 58 saldhigyada militari ee hore dhammaadka 2024 si ay u taageerto hindisaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee “Cagaareynta Soomaaliya”, kaas oo ujeedkiisu yahay in la beero 10 milyan oo geed si kor loogu qaado adkaysiga cimilada iyo ka hortagga abaarta.

Mudane Maxamed, oo ah mas’uul ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo horumarinta adkeysiga cimilada.

“Isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta iyo wasakhaynta hawada ayaa ah arrimo halis ku ah deegaankeenna iyo hab-nololeedkeenna. Waa muhiim in aan qaadno tallaabo go’aan leh si aan wax uga qabanno caqabadahaas, ma ahan mid aan u qabanaynno nolosheenna oo kali ah balse jiilalka mustaqbalka,” ayuu yiri.

Mudane Zenenga, ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa bogaadiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta deegaanka iyadoo loo marayo Hindisaha Afrikaanka ee La Dagaallanka Nabaadguurka (Great Green Wall Initiative), kaas oo looga gol leeyahay in dhul beereed lagu kordhiyo gobolka Saaxil.

“Dhaqdhaqaaqyada guusha leh ee ay bulshada hormuudka ka tahay ee Soomaaliya, sida ka qeybgalka Hindisaha Afrikaanka ee La Dagaallanka Nabaadguurka si wax looga qabto xaalufka, isbeddelka cimilada, iyo luminta noolaha ayaa caddayn u ah sida ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanka,” ayuu xusay.

Waxa uu ku celceliyay sida ATMIS iyo Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan horumarinta iyo hirgelinta tallaabooyinka lagu yareynayo isbeddelka cimilada.

Iyada oo qayb ka ah xuska, UNSOS ayaa deeq geed miroodyo ku wareejisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo loogu talagalay barnaamijyada dib-u-soo-kabashada kaymaha.

“Waxaan xuseynnaa munaasabaddan annagoo ugu deeqeynno geed miroodyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada si ay uga qayb-qaataan dadaallada dhiraynta Soomaaliya,” ayay tiri Sadozai, Agaasimaha Taageerada ee UNSOS.

Sidoo kale intii uu socday dabaaldedga ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku-simaha taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Gaas Marius Ngendabanka, taliyaha booliska ee ATMIS Hillary Sao Kanu, iyo saraakiil kale oo ka tirsan QM, DFS, iyo ATMIS.

Munaasabadan ayaa lagu soo gabagabeeyey nadiifin xeebeed, geedo abuur iyo kormeer mas’uuliyiintu ku tageen Warshadda sifeysa biyaha la isticmaalay ee Muqdisho.

Munaasabado noocaan oo kale ah oo ay soo qabanqaabiyeen ATMIS iyo QM ayaa ka dhacay Jowhar (Dowlad Goboleedka Hirshabeelle) iyo Baydhabo (Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed).

Golaha Ammaanka ee QM ayaa 5-ta Juun u aqoonsaday Maalinta Deegaanka Adduunka si loo fuliyo wacygelin ku saabsan deegaanka loona dhiirrigeliyo xal loo raadiyo caqabadaha taagan. Dabbaaldegga sanadkan ayaa diiradda saaraya hal-ku-dhegga, “dib u nooleynta dhulka, la dagaallanka nabaadguurka iyo u adkaysiga abaarta.”

You may also like