Home » ATMIS troops team up with local community to clean up in Qoryoole

Ciidamada ATMIS oo kaashanaya bulshada deegaanka ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey Magaalada Qoryooley

by Alex Kithumbu

Qoryoole – Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Ku meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo kaashanaya bulshada ku dhaqan deegaanka ayaa maanta oo Axad Ol’ole nadaafadeed ka samameeyey magalada Qoryoole oo 100km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho

Iyadoo uu horkacayo sarkaalka ka xukumo saldhiga Qoryoole Sedex xidigle. Charles Ochola iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka, ayaa ciidamada iyo qeybaha bulshada deegaanka waxa ay aruuriyeen qashinka, waxey jareen geedaha wadooyika ka baxey, waxeyna fureen biyo mareenada xirmey, waxuuna ahaa ol’ole socdey saacado badan.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale nadiifiyay isbitaalka magaalada si ay u taageeraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada.

‘Nadaafadda wanaagsan iyo fayadhowrka waxay yareeyaan faafitaanka cudurrada – ka dhasha biyaha, hawada, fayraska iyo cudurrada kale ee la kala qaado waxay badbaadisaa nolosha,” ayuu yiri sedax xidigle. Ochola.

“Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo ciidamada ATMIS dadaalka naxariista leh ee naf-hurnimada leh ee lagu nadiifinayo deegaanka. Tani waxay wax badan ka tari doontaa in dadkeennu ay ku noolaadaan xaalado ammaan ah oo nadiif ah, isla markaana yareynaya fiditaanka cudurrada,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Qoryoole, Maxamed Xaaji Cismaan Xasan oo ka qayb-galayay ololaha nadaafadda.

Wuxuu ballan qaaday in ay sii wadayaan wadashaqeynta maamulka deegaanka si loo xaqiijiyo nabad ku wada-noolaanshaha.

Iyada oo qayb ka ah ka go’naanshahooda ah in ay si macno leh uga qayb qaataan Isbeddelka Cimilada, ayuu hawlgalka ATMIS iyo bahwadaagta kale  bishii Juun ee sanadkan la bilaabeen hindise dhir beeris  Qaramada Midoobay. Hindisahaas oo ah in 30,000 geed lagu beero 58 da Saldhig  ee ATMIS marka la gaaro Disembar 2024.

Ololuhu waxuu qayb ka yahey Hindisii  Madaxweyne, H.E. Xasan Sheekh ee ahaa ‘Dib u cagaarinta Soomaaliya’ oo la bilaabay Oktoobar 2022. Hindisahaas oo ahaa in la beero 10 milyan oo geed si wax looga qabto kala duwanaanshaha noolaha iyo in gacan laga geysto abaaraha soo noqnoqda.

You may also like