Home » ATMIS trains Somali security forces on Human Rights and civilian protection

Hawlgalka Atmis Ayaa Ciidanka Amaanka Soomaaliya Ku Tababaray Xuquuqda Aadanaha Iyo Ilaalinta Shacabka

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Kow iyo labaatan sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Amaanka Soomaaliya (SSF), ayuu u soo dhamaadey Tababarka Tababarayaasha ah oo ku saabsanaa Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah si ay u helaan aqoonta iyo xirfada looga baahanyahey ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta rayidka.

Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hawlgalka Ururka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), waaxda isku xirka qeybaha rayidka ah oo kaashanaya waaxda Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Jinsiga (PHRG) ee ATMIS.

Tababarkan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ahaa kii labaad oo noocan ah oo lagu kobcinayo garaadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, taliska booliiska Soomaaliya, ATMIS iyo saraakiil kale oo ka kala socotay wasaaradaha arrimaha gudaha, xuquuqul insaanka iyo amniga dowladda federaalka.

Wajigii koobaad ayaa lagu qabtay magaalada xeebeedka Kismaayo horaantii bishan.

“Waxaan idiin caddeynayaa in ATMIS ay weli ka go’an tahay fududeynta hawlaha kobcinta awoodda ee looga golleeyahay in lagu hormariyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka ATMIS ee u qaabilsan Howlgallada iyo Qorshayaasha, Sar.gas. Marius Ngendabanka oo xiritaanka ka hadlay xafladii tababarka.

“Tababarkan waa qayb ka mid ah dadaallada lagu doonayo in wax looga qabto shuruudaha tayada ee looga baahanyahey ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dhanka xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka,” ayuu yiri.

Isagoo xaqiijinaya in ATMIS ay si joogto ah uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya si ay uga ilaaliso dadka maxalliga ah rabshadaha, Sar.gas. Ngendabanka wuxuu iftiimiyay doorka muhiimka ah ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyagoo gudanaya waajibaadkooda sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628 (2022). .

“Rajadu waxay tahay in tababarkan ka dib, dhammaan ka qaybgalayaashu ay sii gudbin doonaan aqoonta ay heleen. Ciidanka XDS ayaa hogaaminaya hawlgalada socda, marka tababarkan waa mid ku soo beegma xiligii loobaahnaa,” ayay tiri Gloria Jasse oo ah sarkaalka ilaalinta ATMIS.

“Waxay awood u yeelan doonaan in ay caawiyaan tababarayaasha kale ee ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya iyagoo bixinaya tababaro, tallooyin qiimo leh oo ku saabsan geeddi-socodka qorshaynta, hirgelinta, iyo qiimeynta hawlgalada kadib,” ayay tiri Marwo Jasse.

Tababarka ayaa ahaa mid lagu fulinayo Sharciyada iyo isla xisaabtanka Midowga Afrika kaas oo siinaya hagitaan hawlgallada Taageerada Nabadda ilaalinta ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika si ay ugu hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Ka-qaybgalayaashu waxay ka faa’iidaysteen bandhigyo ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta, haweenka, iyo barakacayaasha (IDPs). Waxaa sidoo kale lagu lagu barey shuruucyada hay’adaha, sharciga iyo hababka sharciyeynta iyada oo la raacayo daraasado ku saabsan dhinacyada muhiimka ah ee horumarinta xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta.

“Tababarkayga ka hor, khibrad yar ayaan u lahaa ilaalinta carruurta iyo xuquuqda aadanaha. Laakinse hada fikradihii qiimaha lahaa ee aan heley ayaa wax badan ka bartey,” ayuu yiri xidigle Abuukar Xuseen oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kabtan Sahra Cali Xasan oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo hadalka sii wadata ayaa tiri “waxaan si wanagsan ugu adeegi doonaa bulshadeena anagoo raacayna aqoontii aan qaadanay intii uu socday tababarkan oo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada Booliska”.

Tababarkan ayaa waxaa fududeeyay macalimiin ka socday kooxda ATMIS ee isku xirka qeybaha rayidka ah ee Jubaland, Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Madaxweynaha iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka.

You may also like