Home » ATMIS trains Somali Police officers in management of police stations

ATMIS oo tababar maamulka Saldhigyada Booliska u fidisay Saraakiil ka mid ah Booliska Soomaaliyeed

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 14 Sebtember 2023 – Ugu yaraan 20 sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay tababarka tababarayaasha oo socday muddo 10 maalmood ah oo sis are loogu qaado xirfaddooda maamulka saldhigyada booliiska.

Ka qayb galayaasha ayaa isugu jiray 18 rag ah iyo laba dumar ah.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay waaxda tababarrada iyo horumarinta ciidanka booliska ee ATMIS oo kaashanaya ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Tababarka oo soo xirmay Arrbacadii, ayaa ujeedadiisu ahayd in ka-qaybgalayaasha lagu siiyo aqoon, xirfado, iyo hab-dhaqanno sare loogu qaadayo waxtarkooda maamulka saldhigyada.

Madaxa tababarada ee SPF Gaashaanle Sare Mohammed Osman oo furitaankii tababarka ka hadlay ayaa u mahad celiyay booliska ATMIS iyo SPF oo soo qaban qaabiyay koorsada muhiimka ah ee waxtarka leh.

Gaashanle Sare Maxamed ayaa sheegay in tababarkan uusan ka faa’ideysan doonin oo kaliya shaqsiyaadka ka qeyb galaya balse uu faa’iido u yeelan doono dhammaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo guud ahaan dalka.

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Qorshaynta, Tababarada iyo Horumarinta ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Geedi Axmed Maxamed iyo Professor Abdi Mohammed Shiveb.

You may also like