Home » ATMIS oo tababar dhanka Maamulka Saldhigyada Booliska u fidisay Taliyeyaasha Booliska Soomaaliyeed

ATMIS oo tababar dhanka Maamulka Saldhigyada Booliska u fidisay Taliyeyaasha Booliska Soomaaliyeed

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 14 Agoosto 2023 – Labaatan iyo Lix sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF), ayaa soo gabagabeeyey tababar muddo toban maalmood ah socday oo ku saabsanaa maamulka saldhigyada booliska si kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadahooda si ay uga hortagaan dembiyada, gacanna uga geystaan kobaca xaaladda amni ee Soomaaliya.

Tababarkan oo ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid xambaarsanaa casharro qoraal iyo tusaalooyin leh waxaana bixinayay fududeeyayaal ka kala socday qeybaha Booliska ee Halwgalka Ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Saraakiishan, oo ay ka mid yihiin Taliyeyaasha Saldhigyada iyo ku xigeenadooda oo ka kala socday Saldhigyo kala duwan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka mid ah cashaarradii ay qaateen hab-dhaqanka Booliska, la xisaabtanka iyo kormeerka Ciidanka Booliska, Waajibaadka Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska, Ilaalinta Carruurta iyo Hufnaanta Booliska. ilaalinta rayidka iskahorimaadyada hubeysan.

Tababarka ayaa sidoo kale lagu baranayay horudhac ku saabsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, horudhaca xeerka habraaca ciqaabta, hababka baaritaanka dembiyada, xariga, xabsiga, baaritaanka, iyo qabashada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

“Waxaan rajeynayaa in aad la wadaagi doontaan aqoonta iyo xirfadda aad ka kororsateen tababarkan saraakiisha kale ee ku sugan saldhigyadiina, waaxyaha muhiimka ah sida baarista dembiyada, maamulayaasha saldhigyada iyo howlgallada,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ‘Kaniif’ ayaa saraakiisha u sheegay xilli uu ka hadlaayay munaasabadda lagu soo xirayay tababarka.

“Hoggaan ahaan, waxaa la idinka rabaa in aad wax sii bartaan saraakiisha ku sugan saldhigyadiinna, taasina waa sida kaliya ee aan awood ugu yeelan karno in aan si wanaagsan ugu adeegno shacabka, horumarinta amniga iyo guud ahaan shaqadeena,” ayuu hadalkiisa ku daray Sarreeye Guuto ‘Kaniif’.

Ku xigeenka Taliyaha Booliska ATMIS (CP) Martin Amoru ayaa sheegtay in Taliyeyaasha Booliska ay udub dhexaad u yihiin badqabka bulshada iyo dadaalada xasilinta ee ka socda Soomaaliya.

“Guusha haya’add kasta oo ay ka mid yihiin saldhigyada booliiska waxay ku xiran tahay maamulkiisa,” ayuu yiri CP Amoru oo intaas ku daray, “Taliye saldhig ahaan, waa in aad dhistaa kalsoonida shacabka, waa in lagugu aamino saraakiisha kaa hoos shaqeysa, sidoo kale waa in aad noqotaa qof la aaminay oo ay ku kalsoon yihiin saraakiisha ka sarreysa, bulshadana waa in ay ku aaminaan.”

Sida ku cad waajibaadka ATMIS, qaybta booliiska waxaa loo xilsaaray in ay taageeraan SPF iyagoo siinaya tababaro gaar ah, taloooyin iyo tusaaleyn iyadoo loo maraayo hawlgallada wadajirka ah iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah si waafaqsan Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Dadaallada kor loogu qaadayo tayada ciidamada ayaa awood u siinaya ciidamada ammaanka Soomaaliya in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalkooda marka ATMIS laga saaro Soomaaliya bisha December 2024-ka.

“Sidaad ogtihiin dhawaan ciidamada Soomaaliya waxay kala wareegi doonaan ATMIS meelo badan. Waxaad tihiin saraakiishii udub dhexaad u noqon lahayd xilka lala wareegaya ee looga baahan yahay in ay shaqeeyaan sidaa awgeed waxa muhiim ah in xirfaddiina iyo kartidiina la horumariyo,” ayuu yiri Gaashaanle Axmed Maxamed Axmed, Agaasimaha Agaasinka Qorshaynta iyo Tababarada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

G/sare Cismaan Maxamed Nuur, Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waaberi ayaa uga mahad celiyay Ciidanka Booliska ATMIS tababarkan uu sheegay in ka qeyb galayaasha ay barteen aqoon muhiim ah oo dhanka Booliska ah taasi oo u sahlaysa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda. Qaab dhismeedka taliska saldhiga, baarista dambiyada, hawlgalada iyo mawduucyo kale oo badan oo muhiim ah aya waxaanu ka korodhsanay aqoon iyo xirfado badan. Waxaan rajeyneynaa in aan dib ula noqono casharadii nala baray oo aan dhaqan gelino,” ayuu yiri.

Iskuduwaha Horumarinta Dib-u-habaynta iyo Dib-u-dhiska Booliiska ATMIS, Kaaliyaha Taliyaha Booliska (ACP) John Simon; Saraakiil sare oo ka tirsan booliiska ATMIS iyo saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka qeyb galay xafladda.

 

You may also like