Kismaayo, 21 Oktoobar 2023 – 26 ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka Jubbaland iyo Qaybo kamid ah ururada bulshada rayidka ah ayuu usoo gabagaboobey tababarka tabobarayaasha oo socday muddo shan maalmood ah kuna saabsanaa ka-hortagga xad-gudubyada Galmada iyo dhibaatooyinka Jinsiga (SGBV).
Tababarkan oo ka dhacay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa si wada jir ah u soo qabanqaabiyay hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS iyo wasaaradda haweenka, arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Jubaland.
Ka soo qayb galayaasha oo ka kala socday wasaaradaha dowlad goboleedka Jubaland, ciidamada amniga Soomaaliya, adeegg bixiyeyaasha iyo wakiillada ururada bulshada rayidka ah ayaa lagu soo qaatay mowduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqul insaanka, xadgudubka carruurta, ka-hortagga ka faa’iidaysiga galmada iyo badqabka dhibanayaasha la kulmey xadgudubyada galmada.
Waxaa kaloo lagu bartey sharciyada ka dhan ah rabshadaha jinsiga, taageerada maskax ahaaneed ee dhibbanayaasha iyo farsamooyinka waraysigooda.
“Ka qaybgalayaasha waxaa la baray sida loo bixiyo tababarada iyo kobcinta garaad oo ku saabsan mawduucyada muhiimka ah ee ka hortagga xadgudubyada ku saleysan jinsiga iyo ka faa’iidaysiga galmada sharcidarada ah,” ayay tiri Ifraax Cawil oo ah mas’uul ka tirsan wasaaradda haweenka, Arrimaha qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dowlad goboleedka Jubaland
“Waxay barteen farsamooyin kala duwan oo lagu baraarujiyo dadweynaha si toos ah ama iyada oo loo qabanayo dood cilmiyeedyo. Waxuuna ahaaa tababar wanaagsan oo faa’iido leh,” ayay raacisay, iyadoo ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista wacyiga bulshada ee khatarta xadgudubyada ku saleysan jinsiga.
Waxaa soo qabanqaabiyay kooxda ATMIS ee Ilaalinta Xuquuqul Insaanka iyo Jinsiga (PHRG), tababarku waa qayb ka mid ah hindisaha joogtada ah ee lagu taageerayo hirgelinta War-murtiyeedka Wadajirka ahaa iyo Qorshe Hawleedka Qaranka ee ka hortagga xadgudubyada galmada ee xaaladaha dagaalka.
“Waxaa nalagu qalabeeyay aqoontii iyo xirfadihii loo baahnaa ee ku saabsanaa sidii tababarayaal loo noqon lahaa iyo sida ugu habboon ee shacabka loogu gudbin karo fariimaha muhiimka ah si toos ah iyo si dadbanba si aan u gaarno hadafka aan ka leenahay wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Arfon Cali oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah ee fadhigoodu yahay Jubaland.
Ismaciil Maxamed oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaasha ayaa isna ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in ragga lagu tababaro ka-hortagga xad-gudubyada Galmada iyo dhibaatooyinka Jinsiga (SGBV) maadaama ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee falalkaasi geysta.
“Nin ahaan, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan helay aqoon ku saabsan sida looga hortago noocyada kala duwan ee xadgudubyada ay raggu kula kacaan haweenka. Casharradii aan halkan ka bartay waxaan uga faa’iidaysan doonaa inaan bulshada ku baro sidii haweenka looga ilaalin lahaa tacadiyadaa,” ayuu yidhi.
Iyada oo loo marayo tababarro xiriir ah, ATMIS oo kaashaneysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay dooneysaa in ay xoojiso awoodda bulshooyinka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka si ay uga hortagaan xad-gudubyada Galmada iyo dhibaatooyinka Jinsiga (SGBV). si loo horumariyo haweenka iyo dhibanayaasha kale ee xadgudubyada.