Home » ATMIS trains Hirshabelle Police Officers on Police Station Management

ATMIS oo tababar ku saabsan Maamulka Saldhigyada Booliska u fidisay Saraakiisha Booliska Hirshabeelle

by Alex Kithumbu

Jowhar, 19 Sebteembar 2023 – Koox ka tirsan ciidamada booliska dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo gabagabeeyay tababar socday muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa habka loo maamulo saldhigyada booliska iyo yareynta dambiyada ka dhaca bulshada.

Tababarkan oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee ATMIS ayaa lagu baranayay mowduucyo kala duwan, sida booliseynta bulshada, baaritaanada iyo soo qabashada, xariga, habka baarista dambiyada iyo qaababka iyo xilalka taliyeyaasha saldhigyada.

“Ka ATMIS ahaan, waxaan ku faraxsanahay in aan in aan fulino tababarkan, iyadoo ay waajibaadkeena waxa ugu weyn ay ka mid tahay in aan ka qayb qaadano tayaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,” ayay tiri Hoggaamiyaha Kooxda ATMIS ee Tababarka iyo Horumarinta ee Qeybta 5-aad3, Saddax Alifle Zainab Mayah Conteh oo ka hadashay xafladii xiritaanka ee Isniintii.

Saddax Alifle Conteh ayaa xustay in mowduucyada ay ka mid yihiin booliiseynta bulshada, xiritaanka, baaritaannada iyo xarigga ay muhiim u yihiin bilayska casriga ah iyo ka hortagga dembiyada.

“Qaar ka mid ah farsamooyinka maanta halkan lagu bartay waa kuwo qiimo u leh booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada, waana sababta marka uu dal yeesho boolis tayo leh ay u badan tahay in uu hagaago nidaamka amniga” ayay hadalkeeda ku dartay Saddex Alifle Saynab.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar Xidigle Axmed Cabdulle Madoobe ayaa uga mahad celiyay Ciidanka Booliska ATMIS tababarkan ay si weyn ugu baahnaayeen Ciidamada Booliska Hirshabeelle.

“Koorsada shanta maalmood ah ee maamulka saldhigyada iyo booliiseynta bulshada waxay ahayd runtii mid qiimo leh. Ka qaybgalayaashu waxay heleen xirfado muhiim ah. Waxaan uga mahadcelineynaa booliska ATMIS tababarkan ay si weyn ugu baahnaayeen saraakiisheena booliska,” ayuu yiri Madoobe.

Wuxuu xusay in tababarkan uu ka caawin doono saraakiisha in ay si xirfadaysan u gutaan waajibaadkooda shaqo, sidoo kalena ay xiriir wanaagsan la yeeshaan bulshada.

Sarkaal Cabdi Cismaan oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in tababarkan uu sare u qaaday xirfadiisa iyo aqoontiisa ku aadan ka hortagga dambiyada iyo horumarinta xiriirka bulshada.

“Waxaan ka helay xirfado muhiim ah koorsadan shanta maalmood ah ee ku saabsan maamulka saldhigyada booliska oo ay bixiyeen ATMIS. Waxaan rajeyneynaa in mustaqbalka dhow ay qabtaan tababaro badan oo aqoon kororsi ah” ayuu yiri Cismaan oo ka tirsan saraakiisha booliiska Hirshabeelle.

Qaybta Booliska ee ATMIS waxa ay taageertaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyaga oo siiya tababarro tayo-dhis ah iyo la-talin, samaynta roondo joogto ah oo wadajir ah iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Barnaamijyada tababarka iyo la-talinta ayaa qeyb ka ah u diyaar garowga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ay si buuxda ugula wareegi doonaan mas’uuliyadda amniga ka dib marka ay ATMIS ka baxdo Soomaaliya bisha December 2024-ta.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Isku xirka Booliska ATMIS ee Hirshabeelle, SP Aguta Jimton iyo Madaxa ATMIS ee Arrimaha Rayidka ahna Isuduwaha Qaybta 5-aad ee ATMIS, Christopher Aria.

 

You may also like