Home » ATMIS OO TAAGEERTAY WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERAALKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA

ATMIS OO TAAGEERTAY WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERAALKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 28 Nofembar 2023- Hawlgalka Ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa maalintii Talaadada ku wareejisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta agab xafiiseed kala duwan oo ay ka mid yihiin qalab iyo alaab si ay gacan uga siiyeen kor-u-qaadista adeeg bixinta. 

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef oo agabka wasaaradda ku wareejiyay ayaa yiri: Waajibaadka “ATMIS’ waa in ay Soomaaliya iyo dadkeedaba ka taageeraan nabad iyo amni ku soo dabaalid iyadoo la adeegsanayo hawlo xasillin kala duwan taanna way naga go’an tahay. Waxaan rajeynaynaa in qalab xafiiseedkaan uu fududeyn doonno shaqada Wasaaradda iyo in uu kor u qaadi doonno adeeg bixinta.’’ 

Wuxuu sheegay in agabkan bixintiisa ay fududeysay dhaqaale laga helay dowladda Talyaaniga oo la soo marsiiyay Mashruuca Saameynta Degdegga ah ee ATMIS (QIPs) kaas oo gargaar degdeg ah iyo kaalmaba siiya mashaariicda yaryar.  

Danjire Souef ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha, gaar ahaan beesha caalamka, in ay taageerto mashaariicda maamulka, dib-u-heshiisiinta, iyo bulshada degaamada dhowaan dowladda gacanteeda dib ugu soo noqday si loo xaqiijiyo habsami u socodka wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee ay ATMIS ku wareejinaysa DFS. 

Sarkaalka Sare ee Arrimaha Madaniga ee qaabilsan ATMIS kaas oo sidoo kale maareeya QIPs, Dr. Opiyo Ododa, ayaa sheegay in ATMIS ay ka go’an tahay ahdaafteeda istiraatijiga ah waxayna sii wadi doontaa in ay ka taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta dadaallada xasillinta iyo dib u soo kabashada ee degaamada dhowaa dowladda gacanteeda dib ugu soo noqday iyadoo la kaashanayo hawlwadeennada kale ee xassillinta. 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cabdikariim Askir, ayaa ATMIS ugu mahadceliyay deeqda iyo taageerada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo Soomaaliya ammaan ah, xasilloon oo barwaaqo ah. 

“ATMIS waxay Soomaaliya ka qaadatey kaalin aad iyo aad u wanaagsan. Tani iyo markii ay yimaadeen ciidamada Midowga Afrika sannadkii 2007, Al Shabaab waxaa laga saarey goobo badan oo ay ka mid tahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen waxaanna dib loogu soo celiyay nabadgalyado,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka. 

Sidoo kale waxaa goobta agabka lagu wareejinayay goobjoob ka ahaa Isuduwaha Sare DFS u qaabilsan Xasillinta iyo Qaybta Qaabka Guud ee Amniga (CAS), Ramadhaan Cilmi, kaas oo ATMIS u xaqiijiyay in ay la yeellan doonnaan iskaashi, isuduwid iyo wadaagista macluumaadka ku saabsan xasillinta iyo hawlaha soo-kabashada hore. 

You may also like