Home » ATMIS OO TAAGEERTAY DADAALLADA NABAD-DHISKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA EE KA SOCDA DOWLAD-GOBOLEEDKA GALMUDUG

ATMIS OO TAAGEERTAY DADAALLADA NABAD-DHISKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA EE KA SOCDA DOWLAD-GOBOLEEDKA GALMUDUG

by Alex Kithumbu

Dhuusamareeb, 01 Disembar 2023 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si firfircoon gacan uga geysatey dadaallada nabad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta ka socda Dowlad-goboleedka Galmudug. Tallaabo muhiim ah oo la qaaday ayaa waxay tahay, in ka badan 50 qof oo isugu jira dad nabadda u ololeeya, haween, dhallinyaro iyo odayaal dhaqameed ka socda shan Degmo oo Galmudug ka mid ah in ay ka qaybgaleen aqoon-kororsi saddex-maalmood socotay oo ka dhacdey magaalada Dhuusamareeb, taas oo diiradda lagu saarayey dib-u-heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka. 

Galmudug, oo ah dowlad-goboleed ku taalla bartamaha Soomaaliya, ayaa wajahdey dagaalo ay beelaha degaanka isku haystaan kheyraad, dhul, iyo doorashooyin. Aqoon-kororsiga, oo ay soo abaabushey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Galmudug (MOIFAR) oo kaalmo ka helaysa ATMIS, ayaa waxaa lagu qaadanayay fahamka colaadda, farsamooyinka xallinta khilaafaadka, iyo dib-u-heshiisin la joogteyn karo. 

Axmed Cusmaan Aadan, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isticmaalka barashada bulshada ee ay mas’uuliyadda ku dheehan tahay ee lagu xakameynayo faafinta wararka been-abuurka ah ee colaadaha keeni kara.  Wuxuu ka-qaybgalayaasha ku dhiirrigeliyay in ay kor u qaadaan nabadda markay adeegsanayaan baraha internet-ka iyo bulshada dhexdeedaba, wuxuunna kula dardaarmey in ay bulshadooda la wadaagaan aqoontii ay barteen intii uu aqoon-kororsigu socday.  

“Waxaad tihiin dhallinyaro cusub oo hadda soo baxaya sidaa daraaddeed waa in aad bulshada bartaan nabadda idinkoo isticmaalaya xirfadaha aad tababbarkan ka barateen,” ayuu yiri Wasiir Axmed, isagoo kula dardaarmaya ka-qaybgalayaasha in ay ka noqdaan isbeddel-horseedayaasha gobolkan colaadaha la daalaa-dhacaya.  

Mas’uulka Arrimaha Siyaasadda u qaabilsan ATMIS, Sayid Cabdi Xirsi, ayaa bogaadiyay guusha aqoon-kororsiga, isagoo muujiyay sida quruxda badan ee ay uga soo qaybgaleen nabad u ololeelayayaasha ku dhaqan guud ahaan Dowlad-Goboleedka Galmudug kuwaas oo hadda ku howlan u ololeynta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.  

“Aqoon-kororsiga ayaa ahaa mid hoggaamiyayaasha dhaqanka, wakiilo ka socda bulshada rayidka ah, haweenka, iyo dhallinyarada lagu siinayo tababbar ku saabsan dib-u-heshiisiinta iyo farsamooyinka xallinta khilaafaadka. Ka-qaybgalayaal ka kala socda guud ahaan Dowlad-Goboleedka Galmudug oo ay ka mid yihiin degmooyinka Hobyo, Gaalkacyo, Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo Cadaado, ayaa ka soo qaybgaley munaasabaddan lagu guuleystay. Waxaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug ugu mahadcelinaynaa taageerada ay ka geysteen abaabulka aqoon-kororsigan muhiimka ah,” ayuu yiri Xirsi.  

Ka-qaybgale Aqoon-kororsiga ka soo qaybgaley, oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Siraat Shidane, ayaa u arkey xirfadaha uu ka bartey dib-u-heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka mid waqtigii loo baahnaa dhacay oo faa’iido leh. Wuxuu muujiyay in uu doonayo hirgelinta farsamooyinka cusub ee uu bartey si uu u dhiirrigeliyo wada-xaajood iyo nabad dib ugu soo dabaalidda bulshadiisa.  

“Barnaamijkan waa barnaamij aad u wanaagsan, waanna ka qaybgalney waxbadanna waan ka baraney. Waxaa la isugu keenay dad kala duwan oo ka kala socda meelo kala duwan, waxaanna bartey hababka xallinta khilaafaadka, sida loo kobciyo wada-xaajoodka iyo waxa aad u baahan tahay si aad nabadda u soo celiso, oo ah wax aan si dhab ah ugugu baahannahay degaankeenna. Waxaan rajeyneynaa in aan ku dhaqanno hababka waxtarka u leh bulshadeena,” ayuu yiri Cabdirisaaq.  

Ubax Xasan Ugaas, oo ah ololeeye ka tirsan bulshada rayidka ah, ayaa ku tilmaantey aqoon-kororsiga in uu yahay fursad qiimo badan u leh Dowlad-Goboleedka Galmudug. Waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug iyo ATMIS ugu mahadcelisay doorarkii ay ku lahaayeen fududeynta aqoon-kororsiga. Iyadoo ka go’an horumarinta bulshada, waxayna ballanqaadey in ay aqoonta ay baratey la wadaagi doonto bulshada ayna ku dabaqi doonto xallinta khilaafaadka jira iyo fududeynta xiisadaha taagan.  

“Waxaan ku faraxsanahay barnaamijkan dib-u-heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka. Galmudug waxay u baahnayd dadaalladan nabad-dhiska, waxaanna ugu mahadnaqeynaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo ATMIS oo suurageliyay. Aragtiyada aan ka baraney waa kuwo qiimo badan leh, waxaa naga go’an in aan bulshada la wadaagno,” ayay tiri Ubax. Marka la eego colaadaha ka socda Galmudug, waxaan rajeynaynaa in aan ku dabaqno waxa aan halkan ku baraneyo ee xallinta colaadaha iyo xiisadaha taagan,” ayay tiri.  

Dagaallada beelaha Galmudug, oo si xun u saameeya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada xorreynta ee ay wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS, ayaa waxay muujinayaan muhiimadda ay leeyihiin dadaallada dib-u-heshiisiinta maxalliga ah. Dadaalladan waxay muhiim u yihiin in lagu guuleysto fulinta qorshaha kala guurka, gaar ahaan iyada oo ATMIS si tartiib tartiib ah u joojineyso joogitaanka ay Soomaaliya joogto.   

 

You may also like