Home » ATMIS supports education in Somalia by handing over school in Jubbaland State

ATMIS waxay taageertaa waxbarashada Soomaaliya iyadoo ku wareejisey iskuul ku yaalla Maamul-goboleedka Jubbaland

by Alex Kithumbu

Bilis Qooqaanni, 13 Luulyo, 2022 — Hindise loogu talagalay in lagu horumariyo heerarka waxbarashada iyadoo la siinayo xarumo waxbarasho oo ku filan islamarkaana badbaado leh, Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) ayaa Talaadadii shalay ahayd dugsi casri ah ku wareejiyey bulshada ku dhaqan degaanka Bilis Qooqaanni ee Maamul-Goboleedka Jubbaland.

Dugsigan oo ka kooban shan fasal waxa loo dhisay inuu qayb ka yahay Mashaariicda Saamaynta Deg dega ah ee ATMIS, kaas oo lagu fuliyo mashaariic wax ka qabata baahiyaha aasaasiga ah ee dadka degaanka.

Iyadoo ka hadlaysey wareejintii iskuulka, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika (DSRCC), Ms. Fiona Lortan, ayaa sheegtay in bixinta waxbarasho tayo leh ay tahay aasaaska lagu dhisi karo Soomaaliya cusub.

“Soomaaliya sanado badan oo colaado ah waxay si wayn u saameeyeen horumarka dhaqan-dhaqaale, taas oo markaa adkaynaysa in dadku ay si fudud u helaan waxbarasho hufan iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah ee aadanaha.

Goobaha waxbarashada oo aan ku filnayn waxay dhalinaysaa inay carruurta ka dhigaan kuwo u nugul ka qayb qaadashada dhaqdhaqaaqyada xun xun sida ku biirista kooxaha malleeshiyooyinka si ay isugu maareeyaan,” ayay tiri.

U weecashada ardayda, Ms. Lortan waxa ay u jeedisey erayo dhiirigelin ah, “Waa in aynaan ku niyad-jebin xaaladaha liidata, ama asalkeenna nololeed ee hooseeya. Adduunka, waxaa jira dad badan oo guulo gaarey oo ka yimid nololo aad u hooseeya. Marka aad waxbarashadaada meel sare ka gaarto, waxa aad ku wanaagsanaan doontaa nolosha, waxaana aad awood u yeelan doontaa in aad wax wanaagsan ku soo kordhiso bulshadaada, dalkaaga iyo xataa bini’aadamka oo dhan”.

Guddoomiyaha degaanka Bilis Qooqaanni Muusa Macalin Aadan ayaa sheegay in bulshadu aysan kaliya faa’idaysan doonin in carruurtooda ay wax ku baraan degaan nabdoon oo ammaan ah, balse ay sidoo kale u baahan yihiin in ay iskuulka daryeelaan si ay uga faa’iideystaan jiilka soo socda.

“Waxaan u gudbinney baahida aan u qabno iskuul wanaagsan oo degaankan ah, aad ayaan ugu faraxsan ahay in ATMIS ay si wanaagsan noogu soo jawaabtey. Dugsigani waa dugsi ay ka faa’iidaysan doonaan jiilasha dadkeenna, si fiicana waanu u daryeeli doonaa,” ayuu yiri.

Marka laga soo tago dhaq-dhaqaaqyada dagaal ee lagu wiiqayo Al-Shabaab, ciidamada ATMIS ee ka howlgala Maamul-goboleedka Jubbaland waxay qabteen dhowr mashruuc oo deg deg ah oo ay ka mid yihiin qodista ceelasha biyaha, dib u habeynta isbitaallada iyo saldhigyada booliska, dhisidda iyo qalabaynta dugsiyada iyo suuqyada, iyo sidoo kale taageeridda kooxaha haweenka ee  abuurista mashaariic kala duwan oo abuuraya dakhliyo kala duwan.

You may also like