Home » Bayaanka ATMIS ee ku saabsan falkii toogashada ee Muqdisho

Bayaanka ATMIS ee ku saabsan falkii toogashada ee Muqdisho

by Alex Kithumbu

atmis press release

WAR SAXAAFADEED

(Faafin Degdeg ah)

ATMIS PR/03/2023

Bayaanka ATMIS ee ku saabsan falkii toogashada ee Muqdisho

Muqdisho  –  Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxa uu ka qoomamaynayaa falkii toogashada ahaa ee mid ka mid ah askartooda uu shalay ka gaystay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Marka loo eego baaritaannada horudhaca ah, falka ayaa dhacay kadib markii qof aan la aqoonsan uu wax laga shakiyay ku tuuray mid ka mid ah gaadiidka ATMIS. Qofka ayaa markii dambe isku dayay in uu soo fuulo gaariga, taasoo keentay in ay ka jawaabaan askartii ATMIS ee gaariga galbineysay.

ATMIS ayaa tan iyo marka uu dhacay baaritaan madaxbanaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan maadaama ay baaritaanadu socdaan. Natiijooyinka kasoo baxa waxaa lala wadaagi doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

ATMIS waxaa ka go’an ilaalinta nolosha shacabka waxa ayna sii wadi doontaa dhowrista iyo ixtiraamka xuquuqda dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed sida ku cad sharciyadda hawlgalkeeda iyo in ay taageerto DFS sidii ay u xaqiijin lahayd Soomaaliya nabad ah oo xasilloon.

_______________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Af-hayeenka Ciidamada: G.Dhexe A. Ganale,

Email: Atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like