Home » Saraakiil Ka Tirsan Hawlwadeennada ATMIS oo Soo Gebbogabeeyay Tababbar Indho-Fur Ah

Saraakiil Ka Tirsan Hawlwadeennada ATMIS oo Soo Gebbogabeeyay Tababbar Indho-Fur Ah

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 26-ka Abriil 2024 – Koorso indho-fur degdeg ah oo shan maalmood soconeysa loo qabtey 32 sarkaal oo dhowaan dalka la keenay oo ka hawlgalaya Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku soo idlaaday baaq loogu diray saraakiishaasi in ay si hufnaan iyo xirfadlenimo ku dheehan tahay ay ugu adeegaan hawlgalka.

Codsiga ah in laga shaqeeyo sidii loo sii gaari lahaa waajibaadka Hawlgalka loo igmaday ayaa waxaa Jimcihii Muqdisho ka soo jeediyay Ku-simaha Taliye Ku-xigeenka Ciidanka ATMIS ee qaabilsan Saadka iyo Taageerada, G. Sare Jean Bosco Sibondavyi, xilli uu guddoominayay xafladda xiritaanka tababbarka, oo ujeeddadeedu ahayd in saraakiisha lagu baro habraacyada jaango’an ee Hawlgalka (SOPs)

“Habraacyada SOPs, iyo xeer-anshaxeedka waa in si dhab ah loo qaato inta aad waajibaadkiinna gudaneysaan sidoo kale waqti ku qaata in aad qiimeysaan dhaqanka, diinta iyo luuqadda Soomaalida,” ayuu yiri G. Sare Sibondavyi.

Wuxuu rajo ka muujiyay in tababbarku uu saraakiisha ku qalabeeyay khibradda lagama maarmaanka u ah si ay si hufan uga qayb qaataan guusha Hawlgalka.

Tababbarka waajibka ah ayaa waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo in saraakiishu ay fahmeen jawiga shaqada, caqabadaha la filayo iyo tallaabooyinka lagu yareynayo.

“Tababbarkan ayaa muhiimad gaar ah u leh hawlwadeen kastoo cusub ee ku soo biirra Hawlgalka, si uu ula qabsado xaaladda goobta, iyo sidoo kale in uu ka caawiyo hawsha loo igmaday,” ayuu yiri Sarkaalka Tababbarka Militeriga ATMIS ahna isuduwaha koorsada, G. Dhexe Samuel Kwesi Alemawor.

Saraakiisha ayaa waxaa la barey mowduucyo kala duwan oo ay ku jiraan anshaxa saraakiisha, xeer anshaxeedka iyo habraacyada (SOPS) ee ATMIS, anshax-marinta iyo ka hortagga xadgudubka galmada iyo dhiig-miirashada, xeerka dagaalka iyo sharciga colaadaha hubeysan.

Waxay kaloo ay barteen waajibaadka ATMIS iyo qaab-dhismeedka hawlgalka, raadaaca iyo ka warbixinta dhibbanayaasha shacabka ah, dhaqanka iyo diinta Soomaalida, qaabka guud ee hawlgalka militeriga ATMIS, amniga ICT iyo habka xilgudashada ugu wanaagsan iyo wacyigelinta khatarta waxyaabaha qarxa.

Saraakiishu waxay qireen muhiimadda uu tababbarka u leeyahay fulinta waajibaadyadooda.

Madaxa Hawlgallada Militeriga ATMIS (COO) G. Sare Michael Katambira, ayaa wuxuu sheegay in tababbarka uu faa’iido u lahaa fahamka xaaladda dhulka ka jirta.

“Wuxuu sidoo kale iga caawiyay fahamka dhaqanka dadka aan la shaqeyn doonno. Sidoo kale, si loo fahmo waajibaadka Hawlgalka iyo waxyaabaha la sameeyo iyo waxyaabaha aan la sameyn,” ayuu yiri G. Sare Katambira.

Gaashaanle Vicky Achiro, ayaa ka mahad celiyay aqoonta ay barteen, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay u leedahay gudashada waajibaadkooda.

“Waxaan baraney waxyaabo badan oo na hagi doonno oo noo sahlaya in aan hawlaheenna gudano.”

You may also like