Home » ATMIS, CXDS iyo maamulka degmada Baraawe oo iska kaashanaya amniga garoonka diyaaradaha Baraawe

ATMIS, CXDS iyo maamulka degmada Baraawe oo iska kaashanaya amniga garoonka diyaaradaha Baraawe

by Alex Kithumbu

Muqdisho– Taliyeyaasha sare ee ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baraawe ayaa maalinta arbacada kulan ku yeeshay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada xeebta ah ee koonfurta Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta ATMIS Battle Group 38 ee magaalada Baraawe, ayaa intii uu socday guddoomiyaha degmada, ahna madaxa guddiga amniga degmada, Dr. Liibaan Cismaan Abuubakar, wuxuu ka codsaday ATMIS iyo ciidamada XDS in ay xoojiyaan ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe.

“Alaabta magalaadan la keeno ama laga dhoofiyo inteeda badan waxaa lasoo marsiiyaa hawada. Waxaan u baahanahay in aad xoojisaan ammaanka garoonka diyaaradaha si aad nooga difaacdaan cadowga horusocodka iyo horumarka,” ayuu yiri Dr. Liibaan.

Gudoomiyuhu waxa uu uga mahadceliyey ciidamada ATMIS dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ku sugayaan amniga degmada, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaago dadaallada nabadeynta ah ee socda si ay Baraawe u gaarto Horumar bulsho iyo mid dhaqaaleba.

Taliyaha ciidamada ATMIS ee Uganda ee ku sugan magaalada Baraawe, Gaashaanle Sare Christopher Berochan, ayaa bulshada deegaanka u xaqiijiyay ATMIS in ay ka go’an tahay sugitaanka amniga degmada.

“Waxaa naga go’an in aan si dhow ula shaqeyno CXDS si aan uga hortagno dhagarta Al-shabaab iyo tilaabooyinka ay ku carqaladeynayan noolasha shacabka Soomaaliyeed iyo xarumaha muhiimka ah,” ayuu carabka ku adkeeyay Gaashaanle Sare Berochan.

Gaashaanle Sare Berochan aya uga mahadceliyey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, maamulka degmada Baraawe iyo bulshada deegaanka wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin ciidamada ATMIS, taas oo uu sheegay in ay sahashay guulaha waaweyn ee dhanka amniga magaalada, shacabkana u ogolaatay in ay wataan hawl-maalmeedkooda bulsho iyo mida dhaqaale.

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay kulanka waxaa ka mid ahaa, Taliyaha Qaybta taliska Ciidanka XDS Baraawe, Gaashanle Sare Abdulrahim Cilmi, Taliyaha Booliska Degmada, Kormeere Cabdul Khadir, Taliyaha booliska militariga degmada Baraawe, Dhamme Bashiir Sheekh Cali, iyo Taliyaha Guutada 41-aad ee ATMIS, Gaashaanle Dhexe Hannington Kigula.

 

You may also like