Home » Saraakiil sar sare oo ka tirsan ATMIS ayaa farxada la qeybsadey ciidamada dhaawacyada ka soo kabanaya ee ku jira isbitaalada

Saraakiil sar sare oo ka tirsan ATMIS ayaa farxada la qeybsadey ciidamada dhaawacyada ka soo kabanaya ee ku jira isbitaalada

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 11 Maajo 2022 – Hoggaanka sare ee Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa galabnimadii Talaadada waqti la qaatay ciidamada dhaawaca ah iyo kuwo xanuuno la il-daran ee la dhigay cisbitaalka heerka 2-aad ee ay ATMIS ku leedahay magaalada Muqdisho, si ay ugu mahadceliyaan oo ay u bogaadiyaan naf-hurnimadooda ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.

Ku-xigeenka Madaxa Howl-galka ATMIS, Marwo Fiona Lortan, ayaa booqashadeeda kusoo gaartay Isbitaalka waxaa ku wehlinaayay Taliyaha Ciiddanka ATMIS, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, Taliyaha Boliska ATMIS, Taliye Rex Dundun, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS. Mas’uuliyiinta ayaa intaa kadib si toos u guda galay booqashadooda, iyaga oo la kulmay askar ka soo kabanaysa dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalka iyo kuwo kale oo la ildaran xanuuno kala duwan.

“Waa mas’uuliyadeena, shaqadeenna, iyo waajibaadkeenna inaan booqanno dhammaan ciidamada ku jira isbitaalka, oo aan u rajeyno wanaag, una muujinno mahad-naq iyo qaddarin sidii ay naftooda u hureen, oo aan u keenno hadiyado yar-yar oo mahadnaq ah,” ayey tiri Marwo Lortan.

Ku-xigeenka Madaxa Howl-galka ATMIS ayaa sheegtay in la kulanka askarta dhaawaca ah ay tahay waajibaadka ugu muqadassan ee hogaaminta howlgalka, maadaama ka go’naanshada ciidamada iyo u hurida nabadda Soomaaliya darteed ay tahay mid wax loo dhigo aanay jirin. Waxay sidoo kale bogaadisay dhaqaatiirta isbitaalka sida ay uga dhabeeyeen baaqooda ahaa in la badbaadiyo nolosha askarta ku dhaawacantay dagaalka iyo kuwa aanu caafimaadkooda wanaagsanayn.

“Waxaan leenahay waad mahadsantihiin, anigoo ku hadlaya magaca ATMIS, Midowga Afrika, iyo magaca Soomaalida, sababtoo ah naf-hurnimada ay askartan samaynayaan waxay u sameynayaa ka guulgaaridda waajibaadka howlgalkeena ka socda Soomaaliya iyo magaca qaaradda. Kuwani waa dhallinyaradan culays weyn ka haya qaaradda, waxaana rabnaa inaan u mahadcelinno oo aan bogaadinno,” ayay tiri Lortan.

Taliyaha Hoggaanka ee Cusbitaalka Heerka 2-aad ee ATMIS, Lt. Col. Dr. Ben Nsajju, ayaa sheegay in booqashada hoggaanka sare ee ATMIS ay tahay mid sare loogu qaadayo niyadda ciidamada, imaanshahoodana ay u sahashay dhaawacyada askarta, isla markaana ay dareemayaan in caafimaadkooda si weyn loo daneynayo.

“Booqashooyinka noocan oo kale ah waxay dhiirigeliyaan bukaanada waxayna sidoo kale nagu dhiirigelinayaan, haddii aanahay bixiyayaasha adeegga caafimaadka, si aan u gudano waajibaadkeena shaqo ee bixinta adeegga caafimaadka.  Waxaan dareensanahay in lanoo mahadceliyay, bukaannadu waxay sidoo kale dareemayaan in hoggaanka uu kula jiro xaaladda ay hadda ku saganyihiin,” ayuu yiri Lt. Col. Nsajju.

You may also like