Home » ATMIS waxay ballan qaaday in dhimista ciidamada aysan wax u dhimi doonin amniga iyo xasilloonida

ATMIS waxay ballan qaaday in dhimista ciidamada aysan wax u dhimi doonin amniga iyo xasilloonida

by Alex Kithumbu

Mogadishu, Luulyo 7 2023 – Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in ATMIS ay weli ka go’an tahay xaqiijinta hannaan kala-guur oo hufan oo wax-ku-ool ah oo aan waxyeello u geysanayn amniga dadka Soomaaliyeed iyo guulaha amni ee ay gaareen.

Waxa uu sheegay in ATMIS ay u heellan tahay ammaanka Soomaaliya, isla markaana ay sugayso wejiga xiga ee duullaanka ka dhanka ah Al Shabaab ee ay Soomaaliya hormuudka ka tahay, kaas oo wiiqi doona awoodda Al-Shabaab, xoojinayo dadaallada xasilinta iyo xoraynta bulshooyin badan.

Isagoo saxaafadda kula hadlay xarunta Hawlgalga Khamiistii, danjire Souef ayaa sheegay in si guul ah loo soo gabagabeeyay qeybtii hore ee dhimista ciidamada taasina aysan sinnaba u wiiqayn ka go’naanshaha howlaha nabad-dhisidda, xasilinta iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta.

“ATMIS waxa ay si guul ah u hirgelisay dhimista 2,000 oo askari. Ujeeddada dhimista ayaa ahayd in la fududeeyo in si tartiib tartiib ah xilalka amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya,” ayuu danjire Souef u sheegay suxufiyiinta xilli uu shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho.

ATMIS oo kaashaneysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ayaa todobaadkii hore soo gebagebeeyey dhimistii lagu guuleystay ee 2,000 oo Askari, si waafaqsan Qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee kala ah 2628 iyo 2670 (2022). Lix (06) Saldhig oo Horudhac ah (FOBs) ayaa lagu wareejiyay Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: Xaaji Cali, Miirtuquo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1, halka midka kale ee – Marka Ayuub la xiray.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dalalka ciidamada ATMIS ku tabarucay ee (TCCs), Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo si guul ah u soo gebagebeeyey wajigii koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS ee Soomaaliya” ayu yiri Dajire Souef.

“Iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya laguna xaqiijinayo sii shaqaynta iyo joogtaynta hawlaha Saldhigyada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya, UNSOS waxa ay ku deeqday qalabkii yaalay saldhigyada la wareejiyay. Waxa aan aaminsanahay in qalabka hibada ah uu u shaqayn doono sidii loogu talo galay,” ayu ku daray Danjire Souef.

Danjire Souef ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku tilmaamay “hoggaanka hiigsiga leh” ee ku aaddan midaynta dalka iyo hoggaaminta dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al-Shabaab.

You may also like