Home » ATMIS officially hands over Forward Operating Bases to the Federal Government of Somalia

Hawlgalka ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Saldhigyo ciidan, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Hawlgalka Midowga Afrika ee Kumeelgarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya lix Saldhig kuwaas oo kala ah Xaaji Cali, Mirtiquo, Cadale, Albao, Gherille, iyo Al Jazeera 1.

Munaasabad Khamiistii ka dhacday magaalada Muqdisho oo si rasmi ah xilka loogu wareejinayay ayaa waxaa warqadda wareejinta ah ku kala saxiixday, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Maxamed Elamine iyo La-taliyaha Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya (CDF), G. Sare. Axmed Maxamed Axmed.

Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aisa Kirabo Kacyira iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kala saxiixday agabyo caawimaad ah oo UNSOS ay ugu deeqday XFS. Agabakaas waxaa ka mid ah Matooro koronto, Biyo Sifeeyeyaal, Solaro iyo agabyo kale oo yaalo saldhigyada la wareejiyey..

Agaasimaha Waaxda Maareynta Khilaafaadka ee Waaxda Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika – Dr. Alhaji Sarjoh Bah oo booqasho gaaban ku yimid Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegey in sida Guusha leh ay ku soo idlaatay xil wareejinta. lix saldhig  iyo dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah ay tahey mid taariikhi ah.

Dr. Bah ayaa u mahadceliyey dhammaan bahwadaagta ay khuseyso arintan sida DFS, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo ATMIS, wadashaqeynta iyo xaqiijinta in waqtigii loogu talagalay lagu soo dhameeyey.

“Tani waa waqti aan dhammaanteen ku faano, waana in aan dib u milicsano horumarka la sameeyay, gaar ahaan ciidamada amaanka Soomaaliya (SSF) kuwaasoo oo si tartiib tartiib ah ula wareegayo mas’uuliyada amniga si buuxda,” ayuu raaciyay.

Dr. Bah waxa uu cadeeyey sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika xaqiijinta hanaan hufan oo masuuliyada amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

“Waxaan rabaa inaan ku celiyo sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika si loo xaqiijiyo hannaan kala guur ah oo hufan oo wax-ku-ool ah, kaasoon wax u dhimayn ammaanka dadka Soomaaliyeed iyo guulihii aan gaarnay 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu xusay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xusay in xil wareejinta ay ku soo beegantay xilli guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sanadkii la soo dhaafay.

“Qaar badan oo ka mid ah bahwadaagteena waxay qaateen khatar weyn markii ay Soomaaliya u soo direen ciidamo toban sano ka hor. Khatartii ay qaateen waxay keentay natiijooyin wax ku ool ah, horumarka Soomaaliyana waa cad yahay. Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayey awooddooda kor u kacdey, hadana waxaan taageero dheeraad ah uga baahannahay bahwadaagta dhanka horumarinta ah si aan ugaarno halka  aan higsaneyno” ayuu yiri Wasiirka.

“hawlgalka ATMIS wuxuu muhiim u yahay horumarka Soomaaliya, joogitaankoodana waa mid muhiim ah xilligan la joogo oo ay soomaaliya u gudbeyso wareegii labaad ee la wareegista amniga guud ee dalka.,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.​

Wuxuu dhammaan xasuusiyay in wixii ka dambeeyay shirkii Kampala ee horaantii sanadkan, in horumar la taaban karo laga gaaray hirgelinta wajigii koowaad ee dhimista ciidamada. Wuxuu kaluu ku celceliyay sida ay DFS uga go’an tahay dhaqangelinta Qaraarka cusub ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687 (2023) kaasoo ku baaqaya howlgallada ay Soomaaliya hoggaamineyso ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ay ku jirto sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa bogaadisay DFS, CXDS iyo ATMIS, sida wanaagsan ee ay u soo gebagebeeyeen wejigii koowaad ee dhimista, waxayna ku baaqday in si wadajir ah loo qiimeeyo ka hor wajiga labaad ee dhimista.​

“Waxaan u baahanahay inaan sameyno qiimeyn daacad ah oo ku saabsan guulaha iyo caqabadaha wejiga koowaad si aan u qorsheyno wejiga xiga,” ayey tirri Laing.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Danjirayaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, saaxiibada beesha caalamka, saraakiil ka tirsan ciidamada XDS iyo ATMIS.

 

You may also like