Home » Saraakiil ka tirsan ATMIS oo soo gabagabeeyay tababar ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta jinsiga

Saraakiil ka tirsan ATMIS oo soo gabagabeeyay tababar ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta jinsiga

by Alex Kithumbu
Muqdisho– Sodon sarkaal oo katirsan hawlgalka ATMIS ayaa dhameystey shan cisho oo tabobar oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta sinaanta jinsiga xiliyada hawlgalada nabad ilaalinta. Si loo fahamsiiyo in si fiican ay ugutaan Waajibaadkooda ee Soomaaliya.

Madaxa Hawlgalka ATMIS ee waaxda Ilaalinta Xuquuqda Insaanka iyo Jinsiga Dr. Omar Abdulle Alasow, ayaa jimcihii shir-gudoomiyay xiritaanka tababarkan oo ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta xuquuqul insaanka ee howlgalka nabadaynta Midowga Afrika.

“Hadii aan nahey Saraakiisha Waaxda isku xirka Shacabka iyo Militariga iyo waaxda jinsiga waxaa waajib nagu ah in aan taageerno ilaalinta rayidka anagoo sii wadeyna la-talinta Ciidanka Amniga Soomaaliyeed (SSF) iyo horumarinta ka-qeybgalka bulshada, wacyi-gelinta, u doodista, iyo howlaha gaarka ah,” ayuu yiri Dr. Calasow.
Dr. Calasow ayaa Matalayey ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa #ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

Tabobarkan ayaan isu keeney saraakiisha Jinsiga iyo Saraakiisha Waaxda isku xirka Shacabka iyo Militariga oo ka kala yimid waaxyaha kala duwan ee hawlgalka ATMIS.

Ka qaybgalayaashu waxa ay hadda samayn doonaan koox tababarayaal ah oo tababari doona dhiggooda #ATMIS iyo Ciidanka Amniga Soomaaliya (SSF) kuna tabobari doona horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo sinnaanta jinsiga.

“Waxaan idinku boorrinayaa inaad ka faa’ideysataan aqoontan oo aad xoojisaan waxtarkiina iyo hufnaantiinna si aad ufulisaan howlihiina Shaqo, aadna tabobarkan sii gaadhsiisaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed inta lagu jiro xilliga kala guurka ah” ayuu Dr Calasow u sheegay saraakiisha.

Taliyaha Ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding, oo ka hadlay furitaankii furitaankii Maalintii Isniinta, ayaa tilmaamay in horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka ay tahay mid ka mid ah qiyamka asaasiga ah ee loo igmaday hawlgalka ATMIS, wuxuuna kula dar daarmay ka qeyb galayaasha in ay turjumaan aqoonta iyo xirfadda ay barteen si ficil ah oo la taaban karo.

“Waaxda Ilaalinta xuquuqda insaanka iyo Jinsiga waxay door muhiim ah ka ciyaartaa hubinta in qorshaynta iyo hawlgallada howlgalka loo fuliyo si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa gobolka,” ayuu yidhi.
Tabobarkan waxaa ku jirey cutubyo looga hadlayo jinsiga iyo hawlaha nabad ilaalinta, kufsiga iyo rabshadaha ku salaysan jinsiga, ku daneysiga galmada iyo dabagalka iyo diwaangalinta dhibaatooyinka loogeysto rayidka ah.
sarkaal Jinsiga iyo Kormeere Guud oo booliska ATMIS ah, Thomas Robin Mansaray, ka qaybqaatana ah ayaa yiri: “Tababarku wuxuu ahaa mid wanaagsan. Aqoontana waxaan siindoonaa saaxiibadayada kuwaas oo iyaguna sidoo kale siin doona mid la mid ah ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.” 

 

You may also like