Home » Des Policiers De L’ATMIS Terminent Une Formation Avancée Pour Contrer Les Menaces D’eei à Jowhar

Saraakiil Ka Tirsan ATMIS Oo Dhameystey Tababar Ah Sida Looga Hortago Walxaha Qarxa Iyagoo Ku Qaatey Magaalada Jowhar

by Alex Kithumbu

Jowhar, 5 Noofambar 2023 – Koox la soo xulay oo ka kooban saddex iyo toban sarkaal oo booliis ah oo ka tirsan Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si guul ah ugu soo dhamaadey tababar socday muddo shan maalmood ah oo diiradda lagu saarayey ogaanshaha iyo ka-hortagga walxaha qarxa (IEDs ) .

Tababarka oo soo idlaaday 4-tii Noofambar, ayaa ugu horeyn waxaa looga hadlay caqabadaha ka imaanaya walxaha qarxa ee ku teedsan Wadooyinka Muhiimka ah inta lagu guda jiro howlgallada baarista gaadiidka. Xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ATMIS (IPO) oo fadhigiisu yahay magaalada Jowhar James Maada oo sheegay muhiimadda uu leeyahay tababarkan: “walxaha qarxa ayaa halkan ku badan. Tababarkan nama awoodsiinin oo kaliye in aanu ilaalino nafteena balse waxa uu sidoo kale inagu sii kordhinayaa aqoonta muhiimka ah ee aanu u fidin karno dhiggeena Soomaaliyeed”.

Tababarkan oo ay fududeysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino Baarista (UNMAS) ayaa ahaa in sare loogu qaado xirfadda saraakiisha ee adeegsiga tignoolajiyada casriga ah, xoojinta awoodda sirdoonka, kobcinta xog is-weydaarsiga hufan, iyo hirgelinta hawlgallada istaraatiijiga ah ee ka hortagga walxaha qarxa.

Sargaal kale oo katirsan ATMIS, Bernice Quantson , ayaa bogaadiyay doorka UNMAS ee qabanqaabada tababarkan,  wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay: “Tababarkani waxaa uu muhiim u yahey saraakiisha Jowhar. Waxaana ka helney aqoonta muhiimka ah iyo in aan digtoonaano.”

Ku-simaha Sarkaalka Isku xirka Booliska ee ATMIS ee Qeybta Shanaad, SP Jimton Aguta, ayaa carrabka ku adkeeyay xirfadaha qiimaha leh ee lagu bartey tababarkan. Waxa uuna ku dhiiri galiyay saraakiisha in ay ka faa’ideystaan aqoontan cusub si ay u xoojiyaan amniga deegaanadooda.

UNMAS waa saaxiibka muhiimka ah ee ATMIS waxayna sanadihii la soo dhaafay si joogto ah uga shaqaynayeen xoojinta awooda ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay si hufan u aqoonsadaan una kala furaan walxaha qarxa. Dadaalladan ayaa ahaa kuwo muhiim ah oo lagu yareynayo waxyeelada qaraxyada ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo taariikh ahaan u horseeday khasaare badan oo soo gaaray dadka rayidka ah iyo hakad galinta isu socodka dadka iyo badeecadaha.

You may also like