Home » Taliyeyaasha ciidamada ATMIS oo soo gabagabeeyay shir looga hadlayay dhimista ciidamada

Taliyeyaasha ciidamada ATMIS oo soo gabagabeeyay shir looga hadlayay dhimista ciidamada

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 31 Luulyo 2023 – Taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Hawlgalka Ku meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) ayaa soo gabagabeeyay shir socday muddo afar maalmood ah oo lagu qiimeynayay wajiga koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS ee laga saarayo Soomaaliya, kaas oo lagu guuleystay in la fuliyo bishii Juun.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyeyaasha cutubyada shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya; Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi. Waxaa shir guddoominayay taliyaha ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka guud iyo khataraha Al-shabaab, waxaana ka soo saarnay go’aanno ay fulinayaan taliyeyaasha qaybaha,” ayuu yiri Sarreeye Guud Okiding oo gaba-gabadii kulanka ka hadlay Sabtida.

ATMIS waxay Soomaaliya ka saartay 2000 oo askari dhamaadkii bishii Juun waxayna lix saldhig ku wareejisay Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya iyadoo la raacayo qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2628, 2670 iyo 2687.

“Waxaan sidoo kale si faahfaahsan uga wada hadalnay kala-guurka, gaar ahaan wejiga koowaad ee dhimista ciidamada iyo saameyntiisa iyo sidoo kale awooddeena iyo kartideena hawlgallada xiga,” ayuu raaciyay Sarreeye Guud Okiding.

Kulanka oo halku-dhiggiisu ahaa, “Xoojinta Wada-shaqeynta ku aaddan Dhaqangelinta Qorshaha hawlgalka ee ATMIS CONOPS” ayaa sidoo kale looga hadlay wejiga labaad ee ka bixitaanka 3000 oo askari oo ATMIS ah, kaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo dhammaadka bisha Sebtembar.

Taliyayaasha waxa ay ka wadahadleen Saldhigyada Wajiga 2-aad lagu wareejinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sida ay u arkaan saamaynta ay ku yeelan karaan amniga.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada ATMIS ee dhinaca Taakulaynta iyo Saadka Sarreeye Gaas Peter Kimani Muteti, oo ka hadlay furitaankii kulanka Arbacadii, ayaa ku tilmaamay shirka inuu yahay mid ku soo beegmay waqtigii loo baahnaa, isla markaana muhiimad gaar ah u leh gudashada Waajibaadka Hawlgalka ka hor inta aan la gaarin bisha Diseembar 2024ta.

“Qaybaha muhiimka ah ee waajibaadkeena waxaa ka mid ah wiiqitaanka awoodda Al-Shabaab, ilaalinta rayidka, xaqiijinta in aan fududeyno hawlaha gargaarka bini’aadantinimo sidii lagu gaarsiin lahaa meelaha lala rabo, la talinta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale taageeridda hannaanka xasilinta,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Muteti.

Waxa uu ku dhiiri galiyay taliyeyaasha qeybaha in ay sii wadaan gudashada waajibaadka shaqo ee ATMIS ee sugidda amniga Soomaaliya marka ay noqoto hawlgallada gaar ahaaned iyo mid Wadajir ahba.

ATMIS iyo Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya ayaa hadda qorsheynaya wejiga labaad ee howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ka dib markii la soo gebagebeeyey wejigii koowaad, kaas oo lagu xoreeyey qeybo badan oo ka mid ah gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen kooxaha argagixisada ah.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka ATMIS ee u qaabilsan Hawlgallada iyo Qorshayaasha, Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qiimeyn ku saabsan saameynta amni ee wajigii koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS.

“Waa in aan qiimeyn ku sameynaa wajiga koowaad ee dhimista ciidamada, saameynta ay ku yeelan karto amniga, arrimaha bini’aadantinimada, xaaladda siyaasadda iyo dhinacyada kale, caqabadaha lala kulmay iyo in aan falaanqeyno sidii aan si hufan ugu fulin lahayn wejiga labaad ee dhimista,” ayuu yiri.

Kulanka taliyeyaasha qeybaha ayaa afartii biloodba mar la qabtaa si loo qorsheeyo arrimaha horutabinta uleh amniga ee howlgalka si loo dhaqan geliyo Fikradda Howlgallada (CONOPS) oo ah dukumeenti barbar socda Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, kaa soo qeexaayaha tubta howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

You may also like