Home » SARAAKIISHA CAAFIMAADKA EE ATMIS AYAA QAATAY TABABBAR KU SAABSAN LOOJISTIKADA CAAFIMAADKA EE DEEGAANKA AY COLAADUHU KA JIRAAN

SARAAKIISHA CAAFIMAADKA EE ATMIS AYAA QAATAY TABABBAR KU SAABSAN LOOJISTIKADA CAAFIMAADKA EE DEEGAANKA AY COLAADUHU KA JIRAAN

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 1-da Maarso 2024 – Saddex iyo toban saraakiil Caafimaad oo ka socda Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa dhammeystay tababbar soconaya saddex-maalmood oo diiradda lagu saarayo bixinta taageero caafimaad taabogal ah oo loo fidinayo degaamada ay colaaduhu ka jiraan.

Tababbarka, oo ay taageereen Kooxda Taageerada Hawlgalka Boqortooyada Ingiriiska (UK-MST), ayaa lagu hiigsanayaa in saraakiisha lagu qalabeeyo xirfadaha qorsheynta iyo xaqiijinta sahayda caafimaadka aasaasiga ah iyo qalab ku filan inta lagu guda jiro hawlgallada militeriga iyo la tacaalidda dhaawacyada goobaha uu dagaalku ka socdo.

Madaxa Caafimaadka Ciidamada ATMIS Gaashaanle Dhexe Dr. Joseph Gwande ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu tababbarku u leeyahay sii wanaajinta qorsheynta caafimaadka iyo loogistikada la xiriirta mas’uuliyadda aagga xeeladda ee ATMIS.

Tababbarkan, oo lala beegsanaya saraakiisha caafimaadka ee dhowaan la soo hawlgeliyay, waa qayb ka mid ah dadaallada ay ATMIS wado ee lagu daadejinayo adeegyada si gaarsiinta meelaha ay hawlgalladu ka socdaan ay u noqoto mid hufan.

Maadaama ay ATMIS isu diyaarinayso wejiga labaad ee Fikradeedda Hawlgallada (CONOPS), taas oo filayso kororka dhaqdhaqaaqyada iyo khasaaraha, Gaashaanle Dhexe Dr. Gwande ayaa wuxuu ku nuuxnuusaday baahida loo qabo xirfadlayaal caafimaad oo diyaar u ah in ay si taabogal ah u maareyaan loojistika.

“Loojistika caafimaadka iyo farmashiyaha waa kuwo si xad-dhaaf ah muhiim ugu ah mooraalka ciidamadeenna. Waxaad door aad iyo aad muhiim u ah ka qaadataan ATMIS oo u dadaalaysa in waajibaadkeeda gaarto,” ayuu yiri Madaxa Caafimaadka ee Ciidamada ATMIS xilligii munaasabadda xiritaanka ee dhacday maalintii Khamiista.

Ka-qaybgalayaasha ayaa ATMIS ugu mahadceliyay abaabulka tababbarka, iyagoo aqoonsaday awoodda ay u leeyihiin sii wanaajinta adeegyada caafimaadka ee ka jira goobaha hawlgalka.

Laba Xiddigle Stephen Lodengo ayaa muujiyay saameynta uu tababbarku ku leeyahay qorsheynta iyo kala wareejinta dhaawacyada, iyadoo Seddax Alifle Stephen Sifuna uu ka mahadnaqay waqtiga iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarinta ujeeddooyinka hawlgalka.

“Waxaan hadda xaqiijin doonnaa in goobteyda adeeg bixinta, aan ku haysto qalabka saxda ah, saadka aasaasiga ah waqtiga saxda ah sidaa daraadeedna waxaan adeeg tayo leh u fidin karaa hawlwadeennadeeda, waxaanna yareyn karaa dhibaatooyinka iyo dib-u-dhacyada ka jira xarunta,” ayuu yiri Sifuna, oo ah kalkaaliye kaafimaad ee ku sugan Isbitaalka Heerka Labaad ee magaalada Dhoobley.

ATMIS ayaa dib u xaqiijisay ballanqaadkeeda ku aaddan karti dhisidda in ay tahay tallaabo muhiim u ah gaairsta yoolasha hawlgalkeeda.

You may also like