Home » Dhakhaatiirta ka tirsan ciidamada ATMIS ayaa baaritaan caafimaad u fidiyay barakacayaasha Jowhar

Dhakhaatiirta ka tirsan ciidamada ATMIS ayaa baaritaan caafimaad u fidiyay barakacayaasha Jowhar

by Alex Kithumbu

Jowhar 10 Luulyo 2023 – Dhakhaatiir ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah u fidiyay barakacayaasha xerada Towfiiq ee magaalada Jowhar.

Isagoo hadlay inti ay shaqada socotay, oo la qabtay usbuucii hore, Gaashaanle (Dr.) Severin Irambona, oo ah Sarkaalka Caafimaadka ee Qaybta 5-aad ee ATMIS, ayaa sheegay in ATMIS ay ka go’an tahay in ay taageerto dadka dhibta u nugul ee ku nool Aagga Mas’uuliyadda ee aanan heli karin daryeel caafimaad oo tayo leh.

“Waxaan helnaa celcelis ahaan 80 ilaa 100 bukaan todobaadkii,” ayuu yirii. “Maanta, waxaan u daryeel caafimad u fidineyna dadka rayidka ah ee ka imaanaya xerada barakacayaasha ee Towfiiq. Toddobaad kasta, waxa anu aragnaa maalmaha Salaasada iyo Khamiista. ”

Dadkani ka soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen ee ka tirsanaa dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaddib abaaro daba dheeraaday oo sababay in boqolaal ka mid ah dadka deegaanka ay waayeen nolol maalmoodkoodi.

“Waxa aan mar walba soo dhaweyneynaa dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ee isbitaalka noogu yimaada si loo daweeyo. Waxa aan qaabilnay bukaanno qaba cudurrada faafa iyo dhibaatooyinka maqaarka, kuwaas oo u badan haween iyo carruur,” ayuu yiri Dr. Irambona.

“Waxa aan ku taageereynaa barnaamijkeena iskaashiga rayidka iyo ciidamada”, ayuu raaciyay Diktoorka.

Waxa uu ku booriyay deeq bixiyayaasha in ay taageero dheeraad ah siiyaan ATMIS si ay ugu suurtagasho Howlgalka in uu qabto olole baaritaano caafimaad oo badan si ay uga faa’ideystaan bulshada isaga oo intaa ku daray in gobolka ay ka jirto daawo yari.

Cabdi Yacquub Cismaan oo ka mid ah dadka ku dhaqan xerada oo ka faa’ideystay hawlaha caafimaad ayaa u mahadceliyay ATMIS iyo ciidamada Burundi.

“Maanta, waxa aan halkaan u imid in aan daaway ka helo ATMIS, Alle ayaa mahad iska leh, waxa aan soo galay xerada, waana la I qaabilay. Waxa aan Alle ka baryayaa in uu caafimaad degdeg ah Isiiyo, waxaana uga mahadcelinayaa ATMIS taageeradooda waqtiyeysan ee joogtadana ah,” ayuu yiri Yacquub.

You may also like