Home » ATMIS lauds Sierra Leone Police officers for contribution to peace and security in Somalia

ATMIS oo ku amaantay saraakiisha Booliska Sierra Leone kaalinti ay ka qaateen nabadda iyo amniga Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Kismaayo, 19 Sebteembar 2023 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa bogaadiyay qeybta booliska Seerra Leone (FPU) ee ATMIS oo soo gaba-gabeeyay waajibaadkoodi shaqo ee Soomaaliya.

“Maalintan waxay muhiimad qoto dheer u leedahay booliska ATMIS maadaama ay siinayso fursad ay dib ugu eegaan wixii u qabsoomay, iyadoo la maamuusaayo guulaha la taaban karo ee ay soo hooyeen ciidanka booliska Sierra Leone intii ay ku guda jireen socdaalkoodi shaqo ee ay ku joogeen Soomaaliya, gaar ahaan dowlad goboleedka Jubaland,” ayay tiri Taliyaha Booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu.

Taliyaha Ciidanka Booliska ATMIS (CP) Kanu ayaa hadalkan ka sheegtay munaasabad billad sharaf lagu guddoonsiinayay 157 sarkaal oo Isniintii ka dhacday magaalada Kismaayo.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliye ku xigeenka qeybta lixaad ee ATMIS Gaashanle Sare Tesit Nightie, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Gaashanle Sare Sadiiq Maxamed Dhoogor iyo marti sharaf kale.

Taliye Kanu ayaa ku bogaadisay saraakiisha “sida ay ooga go’ntahay shaqadooda naf-hurnimada ah” ee ku wajahan fulinta waajibaadka howlgalka.

Taliye Kanu oo dib u eegtay 11-kii sano ee colaadaha ee dalka Sierra Leone iyo doorka ay ka qaateen wadamada Midowga Afrika ee ku aadan sugida nabadda iyo ammaanka, ayaa Taliye Kanu waxa ay sheegay in dalkani Galbeedka Afrika hada ku jiro xillia ay u abaal-gudayaan walaalahood, iyagoo ilaalinaya qadiyadda nabadda iyo bini’aadantinimada annagoo taageero siinayna walaalaheena Soomaaliyeed. Tani waxay Sierra Leone u tahay maalin xusid mudan, anagoo si midaysan u taageernay dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” ayay raacisay.

Gaashanle Sare Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyey saraakiisha sida wanaagsan ee ay xiriirka wanaagsan ula lahaayeen dhigooda gobolka, kuwaas oo gacan weyn ka geystay geeddi-socodyadii nabadeynta ee ka socday dowlad goboleedka Jubaland.

“Labadii sano ee la soo dhaafay, ATMIS waxa ay u fulisay saraakiisheenna bilayska mashaariic wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin la-talin, iyo dayactirka saldhigyada booliiska iyo in kale,” ayuu yiri Gaashanle Sare Maxamed.

Qaybtan Booliska ee ATMIS aya ka taageereen booliiska Soomaaliyeed sugidda amniga iyagoo ka qayb qaatay Ilaalada madaxda, ilaalinta iyo sugidda xarumaha muhiimka ah ee dawladda iyo xafladaha heerka sare ah iyo shaqooyin kale oo muhiim ah. Waxa ay sidoo kale sugaan ammaanka Saraakiisha Booliska ee Shakhsiyaadka ah (IPOs) ATMIS xilliyada ay tababarayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wadamada ku deeqay ciidamada booliska magacaaban ee ATMIS waxaa ka mid ah Nigeria, Uganda, Ghana, iyo Sierra Leone.

You may also like