Home » ATMIS KDF officers conclude training on civilian protection in conflict situations

Saraakiil KDF oo ka tirsan ATMIS oo qaatay tababar ku saabsanaa ilaalinta shacabka ku sugan xaaladaha dagaalka

by Alex Kithumbu

Dhoobley, 9 Juun 2024 – Soddon saraakiil ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) oo ku jira Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa qaatay tababar shan maalmood socday oo la xiriirey ilaalinta shacabka ku nool xaaladaha colaadda hubeysan.

Tababarka oo lagu qabtay magaalada Dhoobley ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa lagu qaatay mawduucyo kala duwan oo muhiim u ah dadaallada dhawrista shacabka ee hawlgallada nabab-ilaalinta, sida ilaalinta dadka nugul (haweenka iyo carruurta), Sharciga Bini’aadannimo ee Caalamiga ah, Sharciga Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah iyo ka hor-tagga ka faa’iideysiga galmada iyo gaboodfallada kale.

“Ujeeddada guud ee loo qabtay tababarka ayaa ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa dadaallada dhawrista shacabka ee hawlgallada nabad ilaalinta,” ayay tiri Marwo Gloria Jaase, oo ah sarkaal sare oo ATMIS u qaabilsan ilaalinta rayidka iyo xuquuqda aadanaha.

“Waxaan qorsheyneynnaa inaan nabad ilaaliyayaasha barno aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah ka jawaabista xaaladaha saameynaya badbaadada shacabka iyo daryeelkooda,” ayay raacisay.

Tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada socdo ee mudnaanta lagu siinayo ilaalinta shacabka xilliyada ay colaaduhu aloosan yihiin, sida uu farayo Qaraarka Golaha Ammaanka QM ee tirsigiisu yahay 2628 (2022).

Waxaa intaas dheer, in Sharciga Bini’aadannimo ee Caalamiga ah (IHL), uu farayo kooxaha hubaysan ee dagaallamaya inay dadka shacabka ahi ka badbaadiyaan halisaha ka iman kara hawlgallada milatari iyo inay xaqiijiyaan in dadka qaba baahiyaha gaarka ah ay helaan badbaadada iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Taliyaha Qeybta Labaad ee ATMIS, Sareeye Guuto Seif Salim Rashid ayaa xusay ahmiyadda tababarka u leeyahay gaarista hadafka hawlgalka ee ilaalinta bulshooyinka deegaanka iyo taageeridda Qorshaha Xasalinta Qaran ee Soomaaliya.

“Maaddaama aan ka shaqeyneynno xoojinta nabadda Soomaaliya, waa muhiim inaan mudnaan siinno ilaalinta shacabka, xuquuqda aadanaha, iyo ka hor-tagga colaadda annagoo xiriir wanaagsan la yeelaneynna bulshooyinka deegaanka iyo dhiggeenna Soomaaliya,” ayuu raaciyay Sareeye Guuto Rashid.

Ka qeybqaatayaasha ayaa ka mahadceliyey tababarka waxayna kugu baaqeen siminaarro sidan oo kale ah oo aqoontooda lagu kobcinayo.

“Fuliyayaasha tababarka ayaa muujiyey aqoon dheeraad ah oo ay u leeyihiin mawduucyada ay bixinayeen iyagoo sidoo kale lahaa waayo-aragnimo heer sare ah, taas oo xoojisay fahankayga aragtida ku aaddan ilaalinta shacabka,” ayuu yiri Gaashaanle Arnold Kiprono.

“Waxaan hadda diyaar u ahay inaan ilaaliyo amniga qof kasta xilli kasta, sida xuquuqda iyo sharafka, gaar ahaan carruurta iyo haweenka, iyadoo hadafka ugu muhiimsan uu yahay abuurista jawi nabdoon oo xasilloon,” ayay xustay Gaashaanle Hannah Muthoni, Sarkaalka KDF u qaabilsan Koxoaha Isku Xirka Haweenka ee Dhoobley.

ATMIS ayaa horey tababar aasaasi ah u qabatay dhammaan Ciidanka Booliska waxayna qorsheyneysaa inay tababarka u dhammaystirto dhammaan unugyada milatari dabayaaqada Bishan. 

You may also like