Home » ATMIS oo ku sharaftay Saraakiisha Booliska ATMIS ee Nigeria kaalintooda hannaanka nabadda iyo sugidda amniga ee Soomaaliya

ATMIS oo ku sharaftay Saraakiisha Booliska ATMIS ee Nigeria kaalintooda hannaanka nabadda iyo sugidda amniga ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maamuusay saraakiil ka tirsan booliiska Nigeria oo si guul ah u soo gabagabeeyay muddadoodi shaqo ee howlgalka.

“Waan bogaadinayaa saamaynta dhaxal galka ah ee ay ciidamada nabad ilaalinta Nigeria ku leeyihiin nabad ilaalinta caalamiga ah. Waxa ay si joogto oo hawl-karnima leh ah ugasoo  shaqeeyen AMISOM (Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya) iyo hadda oo ah ATMIS (Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya),” ayay tiri Taliyaha Booliiska ATMIS, Hillary Sao Kanu. Taliyaha Booliska (CP) Kanu ayaa hadalkan ka sheegtay munaasabad bilad sharaf lagu guddoonsiinayay 160 sarkaal oo ka socday qeybta booliska Nigeria ee magacaaban oo Sabtidii lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Taliye Kanu ayaa xustay in ciidamada Nigeria ay door muhiim ah ka ciyaareen horumarinta howlaha shaqo ee Halwgalka ATMIS, waxa ayna si gaar ah u xustay taageerada la siiyo Saraakiisha Booliska ee Shaqsiga ah (IPOs), sidaas darteedna ay awood u heleen ee ay kula taliyaan oo ay tababaraan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. “Waxaan rabaa inaan dhammaantiin idiinka mahadceliyo kaalintiina weyn, sida ay idinkaaga go’antahay iyo sida aad u joogteyseen in la xaqiijiyo in aan ka soo baxno waajibaadkeena,” ayay tiri.

Taliyaha ciidamada booliska ATMIS ee kasocda Nigeria, SP Mohammed Ibrahim, ayaa xusay in cutubku uu xiriir wanaagsan la lahaa booliska Soomaaliyeed, ayna si hufan ugu adeegeen Hawlgalka. “Saraakiisha NFPU-11 waxa ay muujiyeen hawlkarnimo heer sare ah, shaqo wanaag iyo dadaal shaqo inti ay ku guda jireen shaqadooda,” ayuu yiri taliyaha qaybta. Waxa uu intaa ku daray, “Waxaa xusid mudan in saraakiishan ay sidoo kale is-xakameeyeen, oo midkoodna uusan jebin Xeerka Anshaxa ee ATMIS.”

Taliyaha Ciidanka Booliska magacaaban ee Yugandha, SP Juventine Euku, ayaa uga mahadcelisay dhiggeeda Nigeria, oo ay wada shaqayn dhow leeyihiin, sida ay ugu heelan yihiin ammaanka.

“Waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo hoggaanka NFPU-11 wadashaqayntii iyo iskaashigii wanaagsanaa ee aan lahayn sannadkii hore,” ayay tiri SP Euku. Saraakiisha NFPU-11 ayaa uga mahadceliyey Soomaaliya iyo Hawlgalka fursadda ay u siiyeen in ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ka mahadcelineynaa fursadda aan gacan uga geysaneyno geeddi-socodka nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayayay tiri Saddex Alifle Iche Esther. Dhigeeda Kormeere Joseph Ebu aya ku daray; “Maanta waa maalin xasuus u leh dhamaan xubnaha ka tirsan kooxdan ciidan. Koox ahaan ayaanu wax u qabanay, waxa kale oo aanu baranay casharo muhiim ah oo ku saabsan gudashada waajibaadkeena”.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska ee ATMIS, Ku Xigeenka Taliyaha Booliska (DCP) Lanre Ogunlowo; Iskuduwaha Hawlaha Booliska ee ATMIS ahna Iskuduwaha Booliska magacaaban FPU, DCP Ahmed Lateef; Iskuduwaha Tababarka Booliska ATMIS Kaaliyaha Taliyaha Booliska (ACP) Samuel Okanta; Iskuduwaha Dib-u-habaynta, Dib-u-dhiska, iyo Horumarinta Booliiska ATMIS (RR iyo D), ACP John Simon iyo sidoo kale Taliyaha booliska Gaarka ah ee Yugandha ee Soomaaliya, Gaashanle Sare  Bwengwe Mwebaze.

Booliska magacaaban ee ATMIS ee FPU waxa ay ka taageeraan booliiska Soomaaliyeed sugidda amniga – waxa ay bixiyaan adeegyada sida gelbinta iyo ilaalinta Mas’uulyiinta (VIP-yada), iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dawladda iyo munaasabadaha heerka sare iyo hawlo kale oo intaa dheer. Waxa ay sidoo kale sugaan ammaanka Shaqsiyaadka Booliska xilliyada ay tababarka siinayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dalalka ku deeqay booliska magacaaban ee ATMIS ee FPU waxaa ka mid ah Nigeria, Uganda, Ghana, iyo Sierra Leone.

You may also like