Home » Hawlgalka ATMIS oo wareejiyay saldhiga Mirtiquo

Hawlgalka ATMIS oo wareejiyay saldhiga Mirtiquo

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 23 juun 2023 – Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa maanta  ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saldhig kale. Waa saldhigii labaad ee la wareejiyo kadib wareejintii Saldhiga XAAJI CALI si loo hirgaliyo hawlgalka dhimista 2000 oo askari dhamaadka bisha Juun

Saldhiga Mirtiquo ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa tan iyo 2016 ku jiray gacanta Hawlgalka ATMIS ee Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).

Qaabka wareejinta Saldhigyadii lagu heshiiyey waxay waafaqsan tahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee 2628(22) iyo 2670(22) ee ah in ATMIS ay si tartiib tartiib ah ay mas’uuliyadda amniga ugu wareejiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Saldhiga Mirtiquo ee Ciidamada Burundi ee hawlgalka ATMIS Gashaanle. Leonce Segetera, ayaa si rasmi ah xaruntan ugu wareejiyay taliyaha ciidanka XDS ee aaggaas, Xasan Axmed Xasan, isagoo munaasabadda uu goob joog ka ahaa sarkaalka ATMIS u qaabilsan dhanka hawlgalada G. sare Collins Musau. iyo saraakiil sare oo ka tirsan ATMIS iyo SNA.

“Waxaan ku kalsoonahay in CXDS ay awood u yeelan doonaan in ay gutaan waajibaadkooda amniga ee aaggan,” ayuu yiri G. sare. Musau.

Taliyaha Ciidanka XDS ee Saldhiga Mirtiquo, G. Xasan Axmed Xasan, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay sugaan ammaanka deegaankan.

“Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo ATMIS xil wareejintan. Waxaana sugi doonnaa ammaanka deegaanadan,” ayuu yiri G. Hasaan

Taliyaha saldhiga Mirtiquo Gaashaanle Segetera, ayaa ka sheekeeyay howlgallada muhiimka ah ee ay ciidamadu ka diwaan galiyeen Al-Shabaab ee ka dhacay deegaankan.

“Maanta waa mid muhiim ah, waxaanan uga mahadcelineynaa wada shaqeynta sanadihii la soo dhaafay. Waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ee taakuleynta farsamo. Waxaan saldhiga ooga  tagaynaa qalab ay hay’ada qaramada midoobey ee UNSOS siisay SNA,” ayuu yiri Maj. Segetera.

You may also like