Home » Ciidanka Booliska Gaana ee qaybta ka ah ATMIS oo sugay amniga xilli ay kooxda qiimeynta hubka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay booqasho ku yimaden Baydhabo

Ciidanka Booliska Gaana ee qaybta ka ah ATMIS oo sugay amniga xilli ay kooxda qiimeynta hubka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay booqasho ku yimaden Baydhabo

by Alex Kithumbu

Baydhabo, 11 Luulyo, 2023 – Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Ghana (GFPU-3) ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa sugay amniga xilli ay booqasho shaqo oo hal maalin qaadatay ku joogeen kooxda qiimeynta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed.

Saraakiishan oo uu horkacayay Taliyaha Howlgalka ee GFPU-3 ASP Evans Appiah, ayaa wafdiga ka soo sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Shanti Gaduud, iyagoo intaa ka dib si weyn u sugeen ammaanka, xilli ay booqashooyin ku tageen Xarunta Madaxtooyada, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saldhiga Booliiska ee Magaalada Baydhabo.

Kooxda qiimeynta hubka iyo rasaasta ee Qaramada Midoobay (UN-WAM) oo ay hogaamiso Marwo Sana Khan kana mid ahaayen sarkaal sare oo qaabilsan arrimaha siyaasadda, qeybta arrimaha Golaha Ammaanka QM, waaxda siyaasadda iyo arrimaha nabad-dhismaha, aya waxay kulamo dhowr ah la yeesheen Taliyeyaasha Qaybta 3-aad ee ATMIS si ay u qiimeeyaan horumarka laga sameeyay tilmaamaha lagu qeexay halbeegyada uu soo jeediyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 2022-da si ay u hagto dib u eegista tallaabooyinka cunaqabateynta hubka ee la xiriira ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku soo rogay cunaqabateyn dhanka hubka ah sanadkii 1992-dii ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kadibna uu ka qarxay dagaal sokeeye oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Hay’addan caalamiga ah ayaa tan iyo markas dhowr jeer wax ka beddeshay cunaqabataynta hubka si ay u taageerto isbeddellada nabadeed, ka hortagga isbeddellada aan dastuuriga ahayn, ka hortagga argagixisada, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo joojinta faafitaanka hubka yaryar taas oo khalkhal gelin karta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

You may also like