Home » Taliyaha Ciidanka Hawlgalka ATMIS oo booqday ciidamada Ugandha si uu u qiimeeyo diyaargarowgooda dagaalka

Taliyaha Ciidanka Hawlgalka ATMIS oo booqday ciidamada Ugandha si uu u qiimeeyo diyaargarowgooda dagaalka

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Taliyaha Ciidamada Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)  Gen. Sam Okiding ayaa maanta oo Isniin ah booqday Saldhigyada Ciidamada ee Qoryoole iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si uu ugu kuur galo diyaar garowga dagaalka ee Ciidamada ATMIS ee ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose ka hor wejigii ugu dambeeyay ee duullaanka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saldhigyada Qoryoole iyo Janaale waxay ku yaalaan qaybta 1aad , taasoo hoos timaada Aagga Mas’uuliyadda Ciidamada Uganda (UPDF) ee ka tirsan ATMIS.

Taliyaha Ciidanka intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu soo kormeeray qalabyada iyo waaxaha kala duwan ee labada Saldhiga, waxaana uu kulan la qaatay hogaanka ciidamada, markii dambana la hadlay ciidamada. Waxa uuna ku booriyay in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan si loo sugo ammaanka bulshada deegaanka inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.

“Booqashadayda maanta oo ah inaan kor u qaado niyadiina iyo mooraalkiina, isla markaana aan hubiyo sida aad diyaarka ugu tahiin ka hortagga cadowga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed. Qorshaheena ugu weyn waa inaan ka soo baxno waajibaadkeena oo aan ka tagno Soomaaliya oo nabad ah oo xasiloona marka ATMIS ay baxaan December 2024,” ayuu yidhi.

Sr. G. Okiding ayaa markii dambe kulan la qaatay mas’uuliyiinta deegaanka oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta maamulka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka oo uu kala hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen ciidamada ATMIS  si looga guuleysto khatarta Al-Shabaab.

Waxa kulanka ku wehelinayey Taliyaha Qaybta Kowaad Sareeye Guuto. Peter Omola iyo G.sare. Charles Asiimwe Kibaate, Taliyaha Kooxda 37, ee Saldhigyada Qoryoole iyo Janaale.

ATMIS waxay hadda ku hawlan tahay wareejinta toddobo Saldhig oo hore uga hawlgeli jirtay iyo in 2000 oo askari laga saaro 30ka Juun 2023 iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670 ee dhigaya in ATMIS ay si tartiib tartiib ah ugu wareejiso mas’uuliyadda amniga Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa la filayaa in ay qaadaan weerar cusub oo militeri, kaas oo noqon doona qorshihii ugu dambeeyay ee lagu wiiqayo Al-Shabaab, loogana xoreyn lahaa deegaanada ku harsan gacantooda.

Howlgalka wadajirka ah ee Soomaaliya ay hoggaamineyso ayaa lagu beegsan doonaa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubaland, iyadoo ay sii socoto kordhinta awooda dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

You may also like