Home » ATMIS, FGS reaffirm commitment to Somalia Transition Plan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hawlgalga Midowga Afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya(ATMIS) ayaa mar kale dib uxaqiijiyey in ay ka go’an tahay fulinta qorshaha kala guurka ah ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho, Juun 8, 2023– Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hawlgalga Midowga Afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya(ATMIS) ayaa mar kale dib uxaqiijiyey in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga Soomaaliya si waa waafaqsan qorshaha kala guurka ah ee Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa #ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Daud Aweis, ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee looga xoreynayo Deegaanada ay wali maamulaan ay ka socdaan meelo kala duwan oo dalka ah.

“Waxaan rabaa inaan xaqiijiyo sida ay nooga go’an tahay fulinta wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyadoo la raacayo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyo go’aannada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee khuseeya Arrintan. Iyadoo kaduuleysa Go’aanadaa #ATMIS waxay soo gabagabaysay qorshaha lagu bilaabayo dhimista 2000 oo askari oo ay tahay in la sameeyo dhammaadka bishan,” ayuu yidhi Souef.

Danjire Souef ayaa kalsooni ka muujiyay in DFS ay abuurtay ciidamo ku filan oo la wareegi kara mas’uuliyadda amniga marka ay baxaan ciidamada #ATMIS.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa awooda Ciidamada Amaanka Soomaaliya. Ciidanka XDS ayaa halkii sano ee la soo dhaafay muujiyay awoodda sii kordheysa ee lagu fulinayo howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah. Waxaan si kal iyo laab ah ugu ammaanayaa hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xoojinta xoogga dalka iyo sidoo kale hawlgalinta Ciidanka shacabka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,” ayuu xusay.

Wasiir Aweis ayaa ku bogaadiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida dalka oo dhan, waxaana uu kula dar daarmay hay’adaha amniga inay sii wadaan wada shaqeynta lagu ciribtirayo khatarta AL-shabaab.

“Sida aad wada ogtihiin waxaa socda howlgalo lagu ciribtirayo Al-Shabaab oo ka socda qeybo badan oo dalka ah. Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhawaan la bilaabo wajigii labaad ee howlgallada ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu ku dhawaaqay.

Wasiirka ayaa faahfaahiyay qorsheyaal kala duwan oo ay diyaariyeen mas’uuliyiinta iyo hay’adaha dowladda si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo xasilooni.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Xamza Cabdi Barre, ayaa ku booriyay in la dardargeliyo xoreynta deegaanada ku harsan gacanta Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu Wasiir Aweis hadalkiisa ku daray.

Labada mas’uul ayaa soo dhaweeyay imaatinka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Catriona Laing, waxayna ballan-qaadeen inay QM kala shaqeyn doonaan xasilinta dalka.

Iyadoo la raacayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2670, ATMIS ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ay dhinto 2000 oo askari, si loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo meel mariyo Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya. Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu si buuxda uga baxo Soomaaliya 31ka Diseembar 2024.

You may also like