Home » ATMIS fetes outgoing staff officers for advancing mission objectives

Hawlgalka ATMIS Wuxuu Ladabaaldagayaa Saraakiisha Shaqada Ka Sii Baxaya Sida Ay U Hormariyeen Ujeedooyinkii Iyo Hadafyadii Hwlgalka ATMIS

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 11 Agoosto 2023 – 18 ka mid ah Saraakiisha sarsare ee ka hawlgala Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa maalintii Khamiista aheyd ah la guddoonsiiyey billado Midowga Afrika ah oo ay ku muteysteen Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka qabteen hawlgalka nabad ilaalinta.

Saraakiishan oo dhameystay mudo shaqeed hal sano ah, ayaa waxaa la guddoonsiiyay billado Sharaf midawga Africa ah, bilad geesi iyo shahaado sharafyo ay ku muteysteen shaqooyinkii kala duwan ee ay ka qabteen oo ay ka mid yihiin qaybta saadka, qaybata gaadiidka, qaybta caafimaadka, warfaafinta iyo kuwo kale.

“Waxaan fursadan uga faa’ideysanayaa inaan idiinku hambalyeeyo dadaalka aad galiseen soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Aad ayaan idinku mahadcelineynaa dhamaan Shaqooyinka aad qabateen,” ayuu yiri Sar. Gas Marius Ngendabanka, oo ah taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee u qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha.

Sar. Gas Ngendabanka oo matalayey Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS Sar. Guud. Sam Okiding ayaa uga mahadceliyey saraakiisha sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Munaasabadan oo lagu qabtay Xarunta taliska ATMIS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS ee Saadka iyo Taakuleynta sar. Gas. Peter Kimani Muteti.

“Ma ahan muddada aad halkan joogteen muhiimada ee waa dadaalkiina iyo shaqooyinka aad qabateen si hawlgalku ATMIS ugaaro waajibaadkiisa. Waxaan rabaa inaan idiinku hambalyeeyo doorarka kala duwan ee qaadateen,” ayuu usheegey  Sar. Gas Muteti  saraakiisha.

12 ka mid ah saraakiisha ayaa kasoo jeeda Kenya. Lixda sarkaal ee kale waxay ka kala yimaadeen Benin, Nigeria, Uganda, iyo Zimbabwe.

“Waxaan sameynay intii karaankeena aheyd, waxaana bixinay wax badan. Waxaan ku faraxsanahay inaan si sharaf leh ugu xilwareejino kuwa nabadalaya si aga rumeeyaan riyooyinka  Midowga Afrika una fuliyaan waajibaadka ATMIS,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada ATMIS, G.sare. C/llaahi Ganaale oo ku hadlayay magaca saraakiisha shaqada ka sii baxayey.

Guulaha kale ee la taaban karo waxaa ka mid ah saraakiishan waxey qeyb weyn ka qaateen guulaha laga gaaray howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo sida guusha leh oo loo soo dhameytirey dhimista 2000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS iyo in ciidamada amaanka Soomaaliya lagu wareejiyo lix saldhig bishii Juum.

Saraakiisha kale ee sar sare ee ATMIS-ka ee ka qeyb galay munaasabadda waxaa ka mid ah, Taliyaha shaqqlaha ciidamada ATMIS Sar. Guuto. Tegegn Kindu Gezu, ku xigeenka taliyaha booliska ATMIS CP Martin Amoru, iyo madaxa shaqaalaha rayidka Kojo Brew Acquaisie.

You may also like